Wareysi VOA: Heerka aqoonta dhalinyarada soomaalida ah ee Norway oo kor usoo kaceyso.

0
138

Idaacada laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa warbixin ka diyaarisay daraasad dhawaan kasoo baxday xarunta Nova ee katirsan Machadka Oslo iyo Akershus, daraasadaas oo lagu sheegay in ardeyda soomaalida ah ay dadaal dheeri ah galiyaan waxbarashada, heerkooda waxbarashaduna uu sare uga soo kacay intii ay sanado kahor joogeen.

VOA-da ayaa warbixintan ku wareysatay Said Mahamud Muuse oo ah tifaftiraha wargeyskan NorSom News, kana mid ah ardeyda soomaalida ah ee wax ka barata jaamacadaha dalkan Norway.

Sida ay sheegtay wakaalada tirokooba ee SSB, ku dhawaad 80% soomaalida kunool Norway, waa dhalinyaro ay da’doodu ka yartahay 40 sano. Taas oo ka dhigan in mustaqbalka soomaalida kunool dalkan uu ku xiranyahay mustaqbalka dhalinyarada soomaalida ah ee hada soo koreyso.

Hoos ka dhageyso Wareysigan: Daqiiqada 10 ilaa 15-aad: https://www.voasomali.com/a/4256746.html

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments