(Warbixin): Muxuu ku saabsanaa kulankii soomaalida iyo UDI-da

0
230

Hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha dalkan Norway ee UDI-da ayaa galabtii khamiista kulan ku cusuuntay jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. kulankaas oo ay sheegtay inay warbixin ku siineyso soomaalida, kadib markii su´aalo badan laga weydiiyay qaabka ay uga shaqeeyaan kiisaska khuseeya dadka soomaaliyeed.

Kulankaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhawaad 30 qof oo soomaali ah iyo labaatameeyo katirsan shaqaalaha UDI-da, oo ka socday laamaha kala duwan ee UDI-da. Waxeyna bixiyeen macluumaad guud, kuwaas oo ay kamid ahaayeen codsiyada passporada dhalashada Norway, dadka degenaanshaha codsaday ee magangalyadooda dib u qiimeynta laga sameynayo, dadka raba inay u dacwoodaan qoyskooda iyo shuruudaha ku xiran, shuruudaha cusub ee laga rabo qofka rabo inuu degenaanso codsado iyo waraaqaha safarka(reisedocument). Macluumaadka ay UDI-du ka bixisay qodobadan kor ku xusan ayaa intooda badan ahaa kuwo caam ah, isla markaana qeybo badan oo kamid ah laga heli karo bogooda internetka.

Kulankan ayaa ahaa mid dhan walba uga eg, kii ay UDI-du soomaalida la qaadatay dhowr bilood kahor, mana jirin wax macluumaad cusub ah oo ay soomaalida siiyeen, kaliya kuwii hore ayay mar labaad dib ugu celiyeen.

Kulankan waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qeybta Soomaaliya u qaabilsan Landinfo oo ah waaxda UDI-da u qaabilsan soo uruurinta xogaha ku saabsana wadamada kale. Kuwaas oo dhankooda ka warbixiyay sida ay usoo uruuriyaan macluumaadka dhanka amniga ee Soomaaliya, iyo ilaha ay la xiriiraan.

Team diyaarsan iyo Soomaali kala daadsan:

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay ilaa 30 qof oo soomaali ah, kuwaas oo intooda badan soo daahay ama gadaal ka yimid. Marka laga reebo su aalo shaqsiyeed uu qof kasta si gaar ah u weydiinayay UDI-da, ma jirin wax war cad oo mideysan oo ay soomaalidii kulankaas kasoo qeybgashay meesha ka sheegeen. Taasna waxey niyad jab ku noqotay soomaali badan oo rajeynayay in UDI-da la gaarsiiyo dareenka ka guuxaya soomaalida wadankan kunool guud ahaan.

Taas badalkeeda kooxda ka socotay UDI-da, waxey ahaayeen dad diyaarsan oo waxa ay sheegayaan horey uga soo baaraan degay. Su aal walbana diyaar u ah inay ka jawaabaan.

UDI-da laftirkooda, waxey su aalaha ugu muhiimsan qaarkood uga jawaabayeen, anaga arintaas nama khuseyso, waxaad kala xiriirtaan wasaarada cadaalada oo anaga aan hoos tagno.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments