Warbaahinta: Xukuumada reysulwasaare Erna Solberg oo dhici karta, hadii Listhaug xilka laga qaado

0
158

Sida ay saaka qoreen qaar kamid ah warbaahinada waaweyn ee dalkan Norway oo soo xiganaya ilo wareedyo dowlada katirsan, reysulwasaaraha Norway ayaa ka digtay inay xilka ka dagi doonto, hadii kalsoonida lagala noqdo wasiirada cadaalada, Sylvi Listhaug.

Mooshin laga keenay wasiirada cadaalada ayaa baarlamaanka Norway lasoo hordhigi doonaa talaadada soo socoto, waxaana kaliya la sugayaa taageerada xisbiga KRF, si uu u meelmaro.

Wargeysyka VG ayaa saaka soo daabacay in Solberg ay dhowr mar xiriir la sameysay gudoomiyaha KRF, iyada oo uga digtay inay xilka ka dagi doonto hadii ay KRF taageeraan mooshinka laga keenay Listhaug. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo xukuumada ka agdhow, Solberg ayaa ku adkeysan doonto in dhamaan golaheeda xukuumada la wada aqbalo ama ay dhamaan xilka isaga dagaan.

Reysulwasaaraaha Norway ayaa la filayaa inay arintan culeys uga dhigto xisbiga KRF, si aysan ugu deg-degin taageerida mooshinka Listhaug laga keenay.

Xigasho/kilde: VG.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments