Sweden: Masaajid lagu dacweeyay kor u qaadista aadaanka salaada

0
190
Masaajid Sweden Foto: Leo Sellén

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Växjo ee dalka Sweden ka socotay dood aad u xoogan oo ka dhalatay masaajid ku yaal magaaladaas oo lagu dacweeyay in uu kor u qaado aadaanka salaada jimcaha.

Muslimiinta ku dhaqan magaaladaas Växjo ayaa horay u gudbiyay codsi ku aadan in adinka salaada Jimcaha ay kor u qaadaan aadanka mudo 3 daqiiqo ah, waana loo meelmariyay codsigooda.

Dacwada iyo cabasho ku aadan arintaas ayaa loo gudbiyay booliska magaalada Växjo,  balse booliska ayaa dhankooda sheegay in muslimiinta ku dhaqan magaaladaas ay aadaanka salaada kor u qaadayeen labadii sano ee ugu danbeeyay.

Imaamka masaajidka ay doodu ku socoto  ayaa sanadkii 2014 codsi u diray maamulka degmada, waxaa loo ogolaada in masaajidku uu codka aadanka kor u qaadi karo,  balse waxaa la sheegay inuu jiray isfahanwaa ku aadan qaabka arintaas loo fulinayo. Waxaana hada socda qorshe dacwad rasmi ah looga gudbinayo masjidka Växjo oo lagu haysto inuu mikrafoon dhawaaq dheer isaga adimey ogolaanshiyo la’aan, xilli ay sidoo kale booliisku gacanta ku hayaan codsi hor leh oo uu masjidku ku codsanayo in loo fasaxo inuu ku addimo sameecadaha masjidka ee dhawaaqooda dibedda laga maqli karo.

Wadaada xukuma kaniisada magaaladaas ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kor u qaadida aadaanka salaada jimce ee muslimiinta, balse wuxuu la kulmay aflagaado iyo hanjabaad loo soo marinayay baraha bulshada.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments