torsdag, mars 28, 2024

Solberg oo raali-galin ka bixisay qoraal ay wasiiradeeda cadaalada soo dhigtay barta Facebooga.

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa ugu danbeyn raali-galin ka bixisay qoraal ay barta Facebooga soo dhigtay wasiirada cadaalada Sylvi Listhaug. Solberg oo ku hadleyso magaca xukuumada ay hogaamiso ayaa raali-galin buuxdo ka bixisay arintaas, iyada oo sheegtay in hadalkii kasoo yeeray Listhaug uu ahaa mid mudnaa in laga fiirsado, ayna ka cudurdaareyso hadii ay jirto cid uu dhaawac ku noqday.

Listhaug oo dureyso xisbiga Ap ayaa barteeda Facebooga soo dhigtay sawirka kooxo Al shabaab ah, waxeyna sheegtay in xisbiga Ap uu mudnaanta siinayo inuu difaaco argagaxisada, intii uu ka fikiri lahaa amniga dalkan Norway. Hadalkan ayaa kusoo aadamay xili xisbiyada mucaaradku ay diideen qorshe ay dowladu wadatay, kaas oo ku saleysnaa in dhalashada Norway maxkamad la aan ay dowladu kala noqoto dadka usoo dagaalama ururada argagaxisada.

Dadka aqoonta u leh siyaasada ayaa sheegay in raali-galin Solberg ay tahay mid kasoo dib dhacday xiligi loo baahnaa, ayna aheyd inay raali-galinta bixiso wasiirada soo cadaalada Norway, Listhaug. Raali-galinta ka timid Solberg ayaa ku noqon doonto dharbaaxo siyaasadeed oo weyn, maadaama ay la kulantay cadaadis badan oo dhinac walba ah.

Erna Solberg ayaa dhinaca kale wali ku adkeysaneyso inay ku kalsoontahay wasiiradeeda cadaalada, Sylvi Listhaug.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x