Reysulwasaaraha Norway oo difaacday gabar dhalinyaro soomaali ah oo cunsuriyad la kulantay

0
135

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa difaacday Sumaya Jirde oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah, taas oo beryahan cunsuriyad tiro badan kala kulantay xagjiriinta garabka midigta fog ee Norway. Cunsuriyada iyo faquuqa ugu weyn ee dhaliyay dooda badan, waxey Sumaya kala kulantay website-ka u janjeera afkaarka midigta fog ee Resett, iyaga oo soo daabacay maqaal si toos ah loogu dhaawacayo, looguna weerarayo Sumaya.

Solberg ayaa sheegtay in sumaya ay la kulantay kontorool guracan oo ka imaanaya kooxaha midigta fog. Waxeyna raacisay in qaabka loola dhaqmay Sumaya ay tahay wax laga xumaado, iyada oo sheegtay in hadii codadka Sumaya oo kale la aamusiiyo ay wiiqmeyso hanaanka Dimuqraadiyada Norway.

Reysulwasaaraha Norway ayaa wargeyska Klassekampen u sheegtay in hadii dadka Sumaya oo kale ah aysan dareemin in xoriyada hadalku uu yahay madasha ay afkaartooda kusoo bandhigi karaan, ay ka dhalan karto xagjirnimo.

Sidoo kale madax kale oo dalkan Norway ah, siyaasiyiin, tifaftirayaasha wargeysada waaweyn iyo boqolaal qof oo kale ayaa taageero u muujiyay Sumaya, iyaga oo sheegay inay wax laga xumaado ay tahay in weerar shaqsiyeed oo toos ah lagu qaado gabar dhalinyaro ah oo fikirkeeda cabireyso.

Sumaya ayaa horey ugu guuleysatay bilado dhowr ah, waxaana sanadkii tagay loo doortay shaqsiga sanadka ee magaalada Bodø oo ay degantahay.

Xigasho/kilde: Klassekampen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments