Abdul Ahmed: Qoraha maqaalkan

Waxaa hubaal ah in qoomiyadihii nooga soo horreeyey waddanka, ay soo mareen dhibaatooyin la mid ah kuwa maanta Soomaalidu marayso. Cadaadiska saxaafada iyo siyaasada ee ay la kulmeen qoomiyada Pakistanka, oo laga yaabo inaan wax badan isaga dhaw nahay waxaa ka dhashay natiijo ah inay ka soo baxaan shakhsiyaadka aan magacyadooda hoos ku qoray. Shakhsiyaadkaas oo isugu jira qareenno, dhakhaatiir, suxufiyiin, qalinleey, siyaasiyiin iyo qaar kale oo badan oo halkan aan magacyadooda ku soo qorin.

Dadkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda Pakistan ee yimaada Norway, waxay yimaadeen horraantii 70nadii. Waxay u badnaayeen dad shaqaale ah oo ka shaqeeya warshadaha iyo horumarinta trikkga. Sida ay buuggeeda (Tilbakeblikk: da pakistanerne kom til Norge) ku qortay Mohmona Khan. Dadkaasi waxay abbuureen nolol iyo mustaqbal wanaagsan iyaga oo aan 1 karoon ka helin sanduuqa dawlada. Waxaana ka soo baxay, shakhsiyaadka ay ka mid yihiin. Mahmona Khan, Abid Raja, Tommy Sharif, Noman Mubashir, Mahrukh Ali, Iram Haq, Zahid Ali, Usman Rana, Adil Thathaal, Afshan Rafiq, Gadafi Zaman iyo Hadia Tajik. In ay dadkani ka soo baxeen waxay keentay in maanta ay dooda socota qayb libaax leh ka qaataan. Iyaga oo waliba qaarkood u doodaan dhammaan soo galootiga iyo gaar ahaa muslimiinta.

Haddaba Soomaalida karbaashaka ku socda waayahan dambe maxaa lagu fasiri karaa?

Kadib markii aan in badan dersay, akhriyey, isku dayey inaan fahmo dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ee saxaafadu ku beegsanayso Soomaalida. Sida Dugsi Qur’anka, shaqo iyo tacliin la,aanta gudniinka gabadhaha. Waxaa ii soo baxay in ujeedada laga leeyahay tahay in la abuuro xaalad lagu xumaynayo kalsoonida iyo xiriirka waalidka iyo ubadka. Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘’Been fakatay run ma gaarto’’. Bal qiyaas ilmo mar walba maqla waalidkkaa waa ma shaqayste, tacliinta neceb adigana khatar kugu ah oo lagaa ilaalinayo. Ilmahaasi muxuu dareemayaa? Jawaabtu waa xaggiina.

Waxyaalahan na lagu eedaynayo wax waa ka jiraan, sida loo buubuuniyeyse maahan. Kuwii ugu dambeeyey ee saxaafadu qortay gaar ahaa dugsiyada Qur’anka ku saabsanaa ayaa iila muuqda borabogaando Qur’aanka dad la doonayo in lagu nacsiiyo. Waad la socotaan qoraaladii ugu dambeeyey ee arrimahan khusaynayey. Waxaa lagu sheegay in macalimiinta waalidiinta ku soo booqdaan guryaha. Ujeedada booqashadana waxaa lagu sheegay in macallimiintu waalidka uga kala taliyaan khatartka dugsi Qur’anku leeyahay. Waa yaabe Goorma Qur’an barashadu khatar noqotay? Tan kale waddanka waxaa muhiimada la saaraa aqoon iyo khibrad (kompetanse og erfaring) waa yaabe macallimiinta iskuuladu ma leeyihiin aqoon iyo khibrad ay talo ku siinayaan marka laga hadlayo dugsi Qur’anka?  Jawaabtu waa xaggiina.

Gabagabdii iyo gunaanadkii. Innaga ka waalid ahaan waxaa na saaran waajib iyo mas’uuliyad Rabbi nagala xisaabtamayo. In aan carruurta u noqonno sawir fiican oo ay ku daydaana waa mas’uuliyadeena. Waa in aan tacliinta mudnaan gaar ah siinaa. Qofna kama weynaado inuu aqoon kororsado. Guryaheena aan ka sammayno maktabado yar yar, oo inaan wax akhrino qayb dhaqankeena ka mid ah ha noqoto. Shaqada waa inaan ku dedaalnaa. Waalidku markuu kalaho ama carraabo oo carruurta u sheego inuu shaqo tagayo, ma adkaanayso hadhow in ubadka loo tilmaamo inuu shaqeeyo. Ficilka ayaa ka xoog badan wax sheega. Bedelkii ubadka aan u sheegi lahayn inay wax akhriyaan, aan wax akhrino. Bedelkii inay shaqeeyaan aan kala hadli lahayn, ha arkaan innagoo shaqo u socona. Halkaas waxaa ka soo bixi kara. Ubad iyo waalid kalsooni isku qaba, xiriir wanaagsan u dhexeeyo. Wax kasta oo la sheegana aan shaki la galin karin xiriirka iyo kalsoonida wanaagsan. Rabbi ha innagu toosiyo waddada toosan

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of