Qodobadan Samee Si aad u hanato kalsoonida Ilmahaaga

0
166
Cabdishakuur Heersare: Qoraha maqaalkan Foto: Privat/Facebook
Cabdishakuur Heersare: Qoraha maqaalkan
Foto: Privat/Facebook

Ilmuhu marka uu yar yahay waxa saamayn xooggan ku leh waalidkiisa oo uu waqti badan la qaadanayo. Marka uu tago goob waxbarasho waxa uu gelayaa xaalad kale oo iyana saamaynteeda leh. Deegaanka iyo bulshada uu ku dhex korayo oo iyaguna saamaynta saddexaad oo uu wax ka barayo leh. Waxa se toosinta iyo wax u sheegidda ilmaha udub-dhexaad u ah hooyada iyo aabbaha, waa haddii uu ilmuhu la noolaanshahooda joogooda fursad u helo. Haddii labada waalid kala tagaan ama midkood dhinto ama labaduba dhintaan, waa xaalad kale oo ilmaha la soo deristay oo culayskeeda leh.

Haddaba, ilmuhu intaa uu ku jiro maraaxilka koritaanka waxa uu la mid yahay geed koraya oo toos toosin u baahan. Sida uu cunto uu ku noolaado oo uu ku koro ugu baahan ahay ayuu u baahan yahay wax u sheegid, waanin iyo toosin ku dhisan hogatusaalayn xanbaarsan xaqiiqada nolosha ee dhabta ah. Maadaama oo qurbe lagu nool yahay ilmuhu waxa uu baahan yahay ka warhayn badan iyo dhiirrigelin joogta ah.

Abbaarta qormadu waxa ay tahay in aad halkan kaga bogan kartaan kelmadaha wanaagsan ee carruurta lagu dhiirrigeliyo si ay kalsooni buuxda u helaan. Waana qodobo ay ku jiraan kelmado jacayl iyo isu soo dhawaansho ka dhex abuuraya waalidka iyo carruurta. Waxa hubaal ah inay jiraan waalid badan oo soomaali ah oo qodobadan aanu soo bandhigi doono ku dhaqma oo sameeyaa, inta kale ee aan samayn-na fursad ayey u tahay. Waxa ugu weyn ee ilmuhu waalidkiisa kaga dayan karaa waa dhaqanka wanaagsan ee diinta islaanka iyo hab macaamilka suubban ee loo baahan yahay in ku booriyo mar kasta.

Waxa aanu qodobadan badankooda ka soo xiganney macallin jamaal axmed cabdi oo todobadii sano ee u danbeeyey ka shaqaynayey talo siinta waalidka. Marka hore aan soo qaadanno hadallada sida tooska ah u taabanaya dareenka ilmaha yare ee sababaya inuu waalidkiisa ixtiraamo, ka ag dhawaado, u dhego nuglaado una adeego. Waana kuwan qodobadii:

  • Waan ku jeclahay.

  • Waan ku gu kalsoonahay.

  • Aad ayaan kuugu faraxsanahay aaminaad buuxda ayaan kugu qabaa.

  • Qoyskeennu la aantaa sidan ma haadeen (dhanka wanaaga iyo horumarka).

  • Shaqsi wanaagsan ayaad tahay.

  • Caawiye ayaad tahay.

  • Go’aan qaadashadaadu aad ayey u fiican tahay.

  • Waxa aad tahay shaqsi awood leh.

  • Fekerkaagu waa mid wax tar leh.

  • Waan ku fahmi karaa.

  • Dareenkaaga waan fahmi karaa.

  • Isku kalsoonow.

  • Waad iga farxisaa.

  • Waxa aad leedahay weji faraxsan.

  • Qof naxariis badan ayaad tahay.

  • Waa caadi in qofkastaaba uu qaldami karo.

  • Ixtiraam naftaada.

  • Waad fahmo badan tahay.

  • Shaqsi sharaf leh ayaad tahay.

  • Markasta ba waan ku garab taaganahay.

  • Waad qalbi wanaagsana tahay.

  • Shaqsi dheellitiran ayaad tahay.

  • Waan ku faraxsanahay inaan waalid kuu ahay.

Tallaabooyinka wax ku oolka ka dhigaya sare u qaadista waxqabadka uu ilmuhu samaynayo, waxa ugu mudan dhiirigelinta iyo hadallada wanaagsan ee waalidku ka odhanayo waxa fiican ee carruurtu sameeyaan. Qodobadan soo socdaana waa kuwo kale oo waalidka u sahlaya inuu hanto kalsoonida ilmihiisa amma carruurtiisa ba:

  • Horumar fiican ayaad samaynaysaa.

  • Waan ku hambalyeynayaa.

  • Waan ogahay inaad sidii ugu fiicnayd aad u qabatey.

  • Qabo waxa aad jeceshahay.

  • Hawlkar ayaad tahay.

  • Geesi ayaad tahay.

  • Fekerkaagu waa mid wax soo kordhinaya.

  • Karti badan ayaad leedahay.

Waxa mudan in ilmaha la dareensiiyo inuu door mudan ku leeyahay qoyska, isla markaana uu waalidku u muujiyo u debecsanaan iyo raalligelin ku dhisan kaalin siinta ilmaha. Marka aad ilmahaaga aqoonsato doorkiisa una dhug yeelato adeegsiga qodobadan soo socda, waxa aad mar kale ku guulaystay hanashada kalsoonida ilmahaaga:

  • Waxa aan diyaar u ahay inaan ku dhegaysto.

  • Noloshayda muhiim ayaad u tahay.

  • Waan ogahay in aad tahay hawlkar.

  • Waan ku faraxsanahay wada shaqayntaada.

  • Maalin kasta wax cusub ayaan kaa bartaa.

  • Fekerkaagu waa mid sarreeya.

  • Wada shaqaynteenu waxay keentaa farxad.

  • Su’alahaagu waa kuwo fikir abuuraya oo wax soo kordhinaya.


W.Q:  Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)

Qoraa/Tababare Saxaafadeed: http://heersare1.blogspot.no/

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments