Per Sandberg oo loo magacaabay wasiirka kumeel gaarka ah ee cadaalada Norway.

0
138
Foto: Youtube

Waxaa saaka iscasishay wasiiradii hore ee cadaalada Norway, Sylvi Listhaug, iyada oo saaka lagu balansanaa in baarlamaanka looga codeeyo mooshin kalsooni kala noqosho oo iyada ka dhan.

Per Sandberg oo ah gudoome ku xigeenka xisbiga FRP, ahna wasiirka kaluumeysiga Norway, ayaa loo magaacabay inuu si kumeel gaar ah xilka wasiirka cadaalada usii heyn doono, ilaa inta laga magacaabayo wasiir cusub.

Sanberg oo fikir ahaan aan wax badan dhaamin Listhaug ayaa sidoo kale xilkan si kumeel gaar ah usoo qabtay sanadkii hore, xili ay wasiiradii hore ee Listhaug ay ku maqneyd fasaxa dhalmada. Wuxuuna kamid yahay siyaasiyiinta ugu hadalka adag ee katirsan xisbiga xagjirka midigta fog ee Frp.

Wasaarada cadaalada ayaa ah mid kamid ah wasaaradaha ugu miisaanka culus Norway, waxeyna si gaar ah muhiimad ugu leedahay soo galootiga Norway, maadaama ay hoos tagaan inta badan hey addaha maamula howlaha soo galootiga.

Xigasho/kilde:Adressa.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments