Orodyahanka Mo Farah oo faquuq kula kulmay garoon diyaaradeed oo Germany kuyaal.

0
203

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ee dalka Ingiriiska uga qeyb galay ciyaaraha orodada dheer ayaa sheegay in ilaalada garoon ku yaala dalka Jarmalka ay qashqashaadeen xili uu u safrayay dalka Itoobiya.

34 jirkan oo bisha dambe ka qeyb geli doono tartan ka dhici doono magaalada London ayaa bartiisa Instgram-ka soo dhigay muqaal muujinaya nin u muuqday ilaalada garoonka oo riixaya Mo Farah.

Afhayeen u hadlay Mo Farahan waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay shalay oo tallaado aheyd ka dhacday dalka Jarmalka, xili Mo Farah uu kusii jeeday Itoobiya, halkasi oo uu tababar ku qaadanayo.

Mo Farah ayaa dhowr mar noqday orodyahanka heysta recordka tartanka orodka dheer ee 5000 m iyo 10000 m. Sidoo kale wuxuu ku guuleystay afar biladood oo olimbikimada caalamiga ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments