fredag, april 19, 2024

Norway: Sababtan ayaan u aqbalnaa baasaboorka soomaaliga ah ee diblomaasiga ah

Khamiistii lasoo dhaafay hey’adda laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da ayaa kulan la qaadatay soomaalida ku dhaqan Norway. Mid kamid ah su aalaha la weydiiyay shaqaalaha laanta socdaalka Norway, ayaa aheyd sababta ay u aqbalaan in madaxda soomaalidu ay baasaboorka soomaaliga ah kusoo galaan Norway, dhanka kalena ay diidaan waraaqaha iyo documentiyada ka socdo dowlada Soomaaliya.

Shaqaalaha UDI-da ayaa su aashaas uga jawaabay inuu jiraan xeerar iyo shuruuc caalami ah oo dhanka diblomaasiyada ah, kuwaas oo Norway waajib uga dhigaya inay aqbalaan baasaboorka diblomaasiga soomaaliga ah oo ay wataan madaxda soomaalida ah ee Norway booqashada ama casuumaada rasmiga ah ku joogo.

Dhanka kale waxey mar kale ku celiyeen inaysan aqoonsaneyn waraaqaha iyo documentiyada laga keeno Soomaaliya, maadaama xaqiiqadoooda iyo jiritaankooda aan lagu kalsoonaan karin.

Sidoo kale Knut Holm oo UDI-da katirsan ayaa sheegay inay si hoose ula socdaan horumarka ay heyadaha socdaalka ka sameynayaan dhanka bixinta baasaboorada, balse aysan wali gaarin heer kalsooni buuxdo la siin karo. Isaga oo raaciyay inay bartamihii sanakdii hore booqasho ku tageen Soomaaliya, shaqaale katirsan waaxda xaqiijinta aqoonsiyada dadka ee UDI-da Norway.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x