Norway oo 1000 qof oo qoxooti ah sanadkan kasoo qaadan doonto Uganda

0
162
Photo: Ze'ev Yanai

Dowlada Norway ayaa sanadkan sheegtay inay xeryaha qoxootiga aduunka kasoo qaadan doonto, isla markaana ay dib u dajin u sameyn doonto qoxooti dhan ilaa 2120 qof. Wasaarada cadaalada iyo soo galootiga Norway, wasiirkana ay ka tahay Sylvi Listhaug ayaa soo saartay war ay ku sheegeyso in qoxooti ay Norway soo qaadan doonto ay ka imaan doonaan wadamadan:

  1. 1000 qof oo qoxooti ah oo kasoo jeedo dalka DEM. REP. of Kongo , kuna dhaqan dalka Uganda. S. Listhaug ayaa isbuucyo kahor booqasho ku tagtay xeryo qoxooti oo kuyaal dalka Uganda.

  2. 700 oo qoxooti Siiriyaan ah, kuna sugan dalka Urdun ama Jordan.

  3. 300 oo qoxooti liibiyaan ah.

Dadkan ay Norway soo qaadan doonto ayaa qoxootiga u diiwaan-gashan heyädda qoxootiga aduunka ee UNHCR, isla markaana aan sababo jiro owgood dalkoodii dib ugu noqon karin, isla markaana aan sii degenaan karin xeryaha ay hada Joogaan.

Dowlada Norway ayaa bilowgii rabtay inay sanadkan soo qaadato 1210 qof oo qoxooti ah, laakiin xisbiyada mucaaradka ee KRF iyo Venstre ayaa dowlada ku cadaadiyay inay tirada ku darto 1000 qof.

Soo qaadashada qoxootiga 2000 gaaraya ayaa kahor imaanaya hadal ay Listhaug horey u jeedisay oo ahaa inay fiicantahay in qoxootiga lagu caawiyo xeryaha qoxootiga ee u dhow wadamada ay kujiraan, inta Norway loo soo qaadi lahaa.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments