(Maqaal): Jama Hursow: Talooyin Ku Socdo dadka ku cusub Norway ama wadamada kale ee Yurub.

0
156
Foto: Jama Hursow

Haddii aad ku cusub tahay wadanka waxaa ku horyaala caqabado badan, haddii ay tahay luuqada wadanka, cimilada oo ka duwan tan Afrika iyo bulsho dhaqamo kale wata. Habada talooyinkaan waxay kaa caawinayaan inaad durba aad gaarto yoolkaad laheed iyo inaad dhex-gasho oo wax la qeybsato bulshada cusub ee aad kusoo biirtay.

Iskuday inaad luuqada wadanka aad baratid 6-da bil ee ugu horeysa ama sanadka ugu horeeya, xittaa haddii aadan sharciga wadanka haysan. Sababtoo ah waraaqaha kuu soo dhacaya iyo arrinta kiiskaada wax badan baad ka ogaani.

Waxaa isweydiin mudan, maxaa kuu furan haddii aad luuqaddii meel saarto waqtigaas yar?

Koow, waxaa kuu fududaani inaad sharciga wadanka fahanto iyo fursadaha uu leeyahay, isla markaasna aad sameyso isdhex-galka bulshada ”integrering”

Mida labaad, waxaa kuu furan inaad shaqo hesho iyo inaad kaarka wadista gawaarida ’’førekort” aad kacanta kusoo dhigto waqti aad u yar. Madaamaa aad sameysay isdhex-galka bulshada. Waxaan ognahay goobaha shaqada in looga baahanyahay inaad luuqada wadanka aad taqaanid, si aad isku fahantaan adiga iyo shaqo-bixiyaasha iyo shaqaalaha kale ee kula shaqeynaaya. Haddii aad hesho kaarka sharciga wadista gawaarida waxaa kuu fududaani inaad danahaaga aad si fudud ku dhammeysatid, haddii ay tahay shaqada inaad ku imaato iyo inaad iskuulka ku tagtid gaarigaada waqti kooban.

Waxaa kale oo kuu furan hadiiba aad luuqada barato inay kuu fududaato wax barashada wadanka, waxaad bilaabi kartaa dugsiga sare ee wadanka xittaa haddii aadan wax horay usoo baran laakiin aad tahay qof ay ka go’antahay inuu waxbarto qaasatan wadanka Noorway.

Siddoo kalle, waad bilaabi kartaa dugsiga sarre ”Videregåendeskole” haddii aad luuqada darajada 3aad ee loo yaqaano Norsk Prøve 3. ama B1 aad haysato.

Faa’idooyinka uu helaayo ruuxa waxbarashada aada waxaa ka mid ah: Norsk vg3, sanadka ugu dambeeya dugsiga sare luuqada aadbey u adagtahay marka haddii aad wadanka degantahay wax ka yar 6 sano waxaad xaq u leedahay isla markaasna aad raaceeysaa wax la dhaho ’qorshaha barashada luuqada Noorwejiyanka ee dadka laga tirada badanyahay oo wakhti yar wadanka kunool oo luuqada wadanka Noorway lagu yiraahdo ”læreplan i norsk for språklige minoriteter med kort botid i Norge”. Waxaa lagaa dhaafayaa Nynorsk iyo imtixaamada adag ee ay qaadanayaa kuwa dadka wadanka u dhashay ee Nordmann’ ka ah.

OB! Arintaanu waxay quseeysaa ruuxa 23 sano jira ama ka weeyn. Faa’idooyinka kale waxa ka kid ah in lagaa caawiyo xaga dhaqaalaha ‘livsopphold.  Ogoow waxbarashada wadanka Noorway waa lacag la’aan illaa heer jaamacadeed.

Videregående opplæring xaq ma u leeyahay anigoon soo marin dugsiga dhexe’ grunnskole”?

Dugsiga sare waxa xaq u leh ruux walba ee aan horay usoo dhameeyn Norsk VGS. Dabcan waxad ogaataa haddii aadan soo marin dugsiga dhexe, mudnaanta koobaad waxa iska leh kuwa soo maray dugsiga dhexe, markaas kadib ayaad adigu soo raacee waa haddii aad tahay qof aan soo marin dugsiga dhexe ama wadan shahaado cadeeynaysa in wadankale aad kusoo waxbaratay.

OB! Waxbarashada dadka waa weyn ee dugsiga dhexe ’Opplæring på grunnskolenivå’ waxa maamula degmada aad degantahay. Halka waxbarashada dugsiga sarre ’opplæring på videregående skole’ uu maamulo gobolka, fylkeskommunen’.


W.Q: Jama Hursow.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments