(Maqaal): Mustaqbalka iyo fursadaha soomaalida Norway

0
163
Foto: Cali wadani
Maqaalkan waxaa qoray: Mohamed Ismael

Soomaalida norway degan tiradooda waxaa lagu qayasa iney ka badan tahay 42.000, taasi oo ka dhigeyso inaan ka badanahay qomiyadaha kale ee kasoo jeedo qaarada yurub ee ku nool dalka Norway.

Marka aad aqrisid warbahinta Norway iyo baraha bulshada, waxaa marwalba soomaalida lagu tilmaama qowmiyad aan ku fiicneyn shaqada iyo waxbarashada, sidaas darteed culeys ku ah dhaqaalaha wadanka, maadaama eysan wax dhaqaale ah wadanka soo galin.

Arintaas waxeey niyad jab badan ku riday soomaali badan oo iyagaba run u qaatay in soomaalida tahay jaaliyad lagu qasaaray.

Dacaayadaha  beenta u badan waxey inagu bilaabatay waayadii ay soomaalida dalka Norway ku cusbeyd, laakiin soomaalida maanta dalka mudada degen ee ku caruurta dhalay, waxaa la dhihi karaa ma jirto reer ama qoys aan laga shaqo tagin, ugu yaraan qof ama laba.

Aragti ahaanteyda, Soomaalidu intooda badan way shaqeysaa, laakiin waxaan qowmiyadaha kale  kaga duwanahay, waxeynu nahay dad imaan leh oo aan diintooda ka tagin, taasna waxey noo abuurtay naceyb iyo xaasidnimo.

Waxaa i muuqato in soomaalidu mustaqbal wanagsan kuleedahay dalkan Norway,  waxaase loo baahan yahay inaan ka faaideeysano fursadaha aan kaga duwan nahay qowmiyadaha kale. Waxaan nahay qowmiyada ugu dhalitaanka badan iyo dhalinyarada badan, marka lo fiiriyo ajaanibta kale, taasi oo ina siineysa fursad qaali ah. Bulshadana sideeyda waxey ku hormarta,a hadba sideey ugu faideystaan dhalaankooda. Maanta aduunka waxaa lagu kala hormaraa caruurta oo laga dhiso xaga aqoonta iyo caqidada, bulshada intaas isku hesho,way ka hormari kartaa bulshooyinka kale.

Waxaa loo baahan yahay in aan ku dadaalno inaan ka faaideysano, fursadaha iyo awooda ale ina siiyeay. Waxaan marwalba ku doodna , waxa mesha ina dhigay waa isku xirnaan la aanta iyo anagoona heysan urr ina matala, laakiin xaqiiqda iyo urur ka dhabta waa qoysaska iyo caruurta.. qowmiyadu hadey ka dhisantahay guriga, caruur tarbiyesan oo aqoon lehne so saarto, waxey noqon qowmiyad ay adagtahay in lagu deg-dego.

Mustaqbalka anagaa leh hadaan ku dadaalno sida caruurteena waxbarashada ugu fiicnaan lahaayeen. Waa inaan lahaanaa aragti dheer, meel dheerna wax ka aragnaa, hormarka jaaliyada waa inaan guryaha kasoo dhisnaa, waa inaan lagu mashqulin urur beenaad aana waxba qaban, waa inaan marwalba ogaanaa  fursadaha aan heysano.

Guushu waa dhinaceena, ee aan noqono dadki ka faaideysan lahaa, ogoow in marwalbo adiga iyo xoogaaga laguu baahan yahay.

W.Q: Mohammed Ismail

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments