Ma rabtaa inaad ilmahaaga u sameyso xaflada dhalashada?: Dukaanka Kidz Corner, wuxuu kuu hayaa qiimo-jabin dhan 20%.

0
131

Dukaanka iibiya agabka ay caruurtu ku ciyaaraan ama lagu maaweeliyo ee Kidz Corner, wuxuu ogeysiinayaa waalidiinta soomaalida ee raba inay xaflad dhalasho u dhigaan ilmahooda, uu u hayo qiimo-jabin dhan 20%. Hadii aad heysato ilmo isbuucan gudahiisa leh xaflada dhalashada, wuxuu dukaanka Kidz Corner bixinayaa 20% qarashka agabka ama hadiyadaha aad ilmahaas dukaanka uga gado.

Si aad u hesho qiimo-jabintan, waxaad la xiriirtaa Kidz Corner, waxaadna booqan kartaa dukaanka ama E-mailkan(Post@kidzcorner.no) ku dir magaca ilmaha, meesha aad degantahay iyo taariikhda dhalashada ilmaha.

Kidz Corner waxa uu hayaa qalab aad u tiro badan oo kala duwan, ahna kan caruurta yar-yar ama da ahaan koran ay ku ciyaaraan ama lagu madadaaliyo. Booqo dukaanka ama gal webka dukaanka ee www.kidzcorner.no. Sidoo kale waxaad booqataa page-ka dukaanka ee barta Facebooga: https://www.facebook.com/kidzcorner.no/

Dukaanku waxa uu ku yaalaa xaafada Furuset, waxa uuna 50 mitir u jiraa T-bane furuset ama senterka Furuset. Cinwaanka dukaanka waa Granstangen 28 C, 1051 Oslo

Mar walba oo aad ka adeegato Kidz Corner, waxaad heleysaa qiimo-jabin. Hadii aad laba mar ka adeegato bishii, waxaad heleysaa 10% qiimo-jabin, hadii aad sadex alaabood ka iibsato hal bil gudaheed, waxaad heleysaa qiimo jabin 15%. Hadii aad leedahay asxaabta iyo qoys balaaran, waxaad kulmin kartaan adeegiina, si aad qiimo jabin u heshaan.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments