KRF: Kalsooni kuma qabno wasiirada cadaalada Sylvi Listhaug

0
160
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut Hareide oo daqiiqado kahor kasoo baxay kulanka ay lahaayeen madaxda xisbigiisa ayaa ka dhawaaqiyay in xisbigiisu uusan wax kalsooni ah ku qabin wasiirada cadaalada Norway, Sylvi Listhaug.

Knut ayaa sidoo kale reysulwasaaraha Norway ka codsaday inay talaabo qaado, kahor inta aan beri mooshinka Listhaug la hor keenin baarlamaanka Norway. Wuxuuna raaciyay in xisbigiisu uu kalsooni siiyay xubnaha baarlamaanka ee KRF, si ay kiiskan go aan uga gaaraan maalinta beri ah.

Hadalkan kasoo baxay xisbiga KRF ayaa baansiin kusii shubaya xaaladii cakirneyd ee heysatay reysulwasaaraha Norway Erna Solberg, taas oo horey ugu goodisay inay xilka wareejin doonto hadii ay KRF taageeraan mooshinka laga keenay Listhaug.

Inkasta oo KRF ay cadeeyeen mowqifkooda, hadana waxey hada kubada taalaa garoonka reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo ay tahay inay kala doorato inay ceyriso wasiiradeeda cadaalada Sylvi Listhaug, ama inay kalsooni cusub baarlamaanka u weydiiso xukuumadeeda oo is wadata. Midey doorataba, waxey u muuqataa in maalmihii wasiirada Cadaalada Norway Listhaug ay dhamaadeen.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments