Dowlada oo soo wado qorshe goobaha waxbarashada looga mamnuucayo indho-shareerka

0
145

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada waxbarashada dalkan Norway, sadex wasiir oo dowlada Norway katirsan ayaa maanta oo jimce ah soo bandhigi doono hindise sharciyeed cusub, kaas oo goobaha waxbarashada looga mamnuucayo dharka dado(qariya) jirka qofka oo dhan(Indho-shareer++)

Sadexda wasiir oo hindise sharciyeedkan soo bandhigi doono ayaa kala ah w asiirada maaliyada, Siv Jensen, Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka, Jan Tore, iyo wasiirka waxbarashada sare iyo cilmibaarista, Iselin Nybo.

Dowlada ayaa bishii Juni ee sanadkii hore sheegtay inay soo wado hindise sharciyeed goobaha waxbarashada looga mamnuucyo dharka qariya jirka qofka oo dhan, uuna kamid yahay indho-shareerka.

Hindise sharciyeedka ayaa lagu wadaa inuu si gaar ah u khuseeyo goobaha waxbarashada, sida iskuulada, jaamacadaha iyo xarumaha xanaanada caruurta. Wuxuuna khuseyn doonaa dadka dhigta goobaha waxbarashada iyo waliba dadka ka shaqeeyo.

Qorshahan ayaa lagu wadaa inuu ka meelmaro baarlamaanka Norway, maadaama xisbiyada Ap, SV iyo KRF ay horey u muujiyeen taageero arintan ku aadan.

Xigasho/kilde: VG.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments