(Dhageyso) USA: Sarkaal boolis soomaali ah oo lagu soo eedeeyay fal dil ah

0
149

Askari Soomaali ah oo ka tirsanaa booliska Mareykanka oo loo xiray fal dil ah oo isaga oo shaqada kujiro uu u geystay haweenay u dhalatay wadanka Australia. Maxamed Nuur oo 32 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil oo heerka labaad ah.

Haweeneyda uu Maxamed Duur dilka u geystay ayaa booliska la xiriirtay, xili ay sheegtay inay ka shakisantahay in aaga gurigeeda uu ka dhacayo fal kufsi ah. Waxaana gurigeeda soo gaaray Maxamed Nuur iyo askari ah, iyada oo daqiiqado kadibna uu dhacay falka dilka ah.

Qareenka Maxamed ayaa sheegay in askarigu uu ku taagnaa qaabkii loo soo tababaray ee booliisnimada. Laakiin Mike Freeman oo maxkamadda ka hor caddaynayay dambiyada loo haysto Maxamed ayaa sheegay «in uu taxadar la’aan ahaa, hubkiisana uu si ula kac ah u riday».

Halkan ka dhageyso VOA:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments