Denmark: Dumarki soomaalida ahaa ee uu TV2 ka been abuurtay oo markan warbaahinta la hadlay

0
137
FOTO: Skjermdump/TV2.DK

Muuqaal baahiyaha TV2 ee dalka Denmark ayaa labo isbuuc kahor warbixin maran habaabin ah, aana laga fiirsan ka qoray 11 dumar soomaali ah oo ay kula kulmeen goob uu shir ka socday. TV2 ayaa warbixinta uu dumarkan soomaalida ah ka diyaariyay cinwaan uga dhigay ineysan ku hadlin luuqada Denmark, aysana heyn wax shaqo ah.

Arintaas ayaa abuurtay dood xoogan, waxaana soo dhexgalay siyaasiyiin uu kamid yahay reysulwasaaraha dalkaas, Løkke. Doodaas ayaa salka ku heysay ka qeybqaadasho la\aanta dumarka soomaalida ee suuqa shaqada dalkaas, iyo inay isku howlin inay dalka la qabsadaan. Sidoo kale warbixinta marin habaabinta ah ee TV2 ayuu xisbiga xagjirka dalkaas ee soo saaray muuqaal jees-jees ah, oo ay ku liidayaan dumarka soomaalida.

Warbaahinta DR.DK ee Denmark ayaa maanta muuqaal ka diyaarisay qaar kamid ah isla dumarkii uu TV2 la kulmay, iyaga oo markaan ku hadlato af Daanish. Waxeyna ka warbixiyeen sababta keentay inay af soomaali kula hadlaan wariyaha ka socday TV2  ee warbixintii hore ka diyaariyay.

Dumarkan oo luuqad fiican ku hadlayo ayaa DR.dk u sheegay ineysan ku baraarug saneyn markaas ujeedka wariyaha muuqaalka diyaariyay, isaga oo aan u sheegin sababta uu warbixinta uga diyaarinayo.

Qareenka dumarka oo sidoo kale goobta ku sugnaa ayaa sheegay in warbixinta TV2 ay aheyd mid aan xaqiiqada ka hadleynin.

TV2 ayaa maalmo kahor qirtay in warbixintii ay qoreen ay aheyd mid aan tifaftirneyn, iyaga oo sheegay inay wax ka badaleen.

Xigasho/kilde: DR.DK

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments