Foto: SSF Sawirka: Kulanka dhiirigalinta waxbarashada ee ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway

Xarunta cilmibaarista Nova oo katirsan machadka Oslo iyo Akers ayaa dhawaan soo saartay daraasad ay ku sameysay heerka waxbarasho ee ardeyda soo galootiga ah,  ee kasoo jeeda 20-ka qowmiyadood ee soo galootiga ah ee tiro ahaan Norway ugu badan. Waxeyna daraasadooda ku qiimeynayeen farqiga u dhaxeeyo natiijada waxbarasho ee ardeyda kasoo jeedo qowmiyadahaas soo galootiga ah ee Norway kunool.

Dhalinyarada ay waalidkood kasoo jeedaan dalka Veitnam ayaa daraasadan lagu sheegay inay kujiraan booska koowaad ee natiijada dugsiyada sare, waxeyna xitaa ka sareeyaan kuwa norwiijiga ah. Dhalinyarada waalidkood ay Veitnam kasoo jeedaan ayaa isku cel-celis dugsiyada sare ka keena natiijo(buundo) dhan 4.05, halka kuwa norwiijiga ahna ay keenaan 4.

Dhalinyarada ay waalidkood kasoo jeedaan dalka Thailand ayaa ugu kujiro kaalinta ugu danbeysay ee dhalinyarada daraasadan laga qaaday, waxeyna isku cel-celis dugsiyada sare ka keenaan natiijo dhan 3,18. Waxaana kusoo xigo dhalinyarada ay waalidkood kasoo jeedaan dalalka Ereteria, Afgaanistaan iyo Soomaaliya oo isku cel-celis dugsiyada sare ka keena natiijo dhan 3,36.

Daraasadan ayaa lagu sheegay inay jiraan afar waxyaabood oo waaweyn, kuwaas oo saameyn ku yeesho natiijada ardeyga soo galootiga ah ee dugsiga sare. Waxaana kamid ah, dhaqaalaha qoyska uu kasoo jeedo, heerka aqooneed ee waalidkiisa, hamiga uu u qabo inuu waxbarasho sare qaato iyo sida uu iskuulka ugu fiicanyahay.

Caruurta soomaalida ah ayaa kamid ah kuwa ugu badan ee hamiga sare ka leh inay qaataan waxbarasho dugsi sare, waxeyna kujiraan kuwa awooda ama waqtiga ugu badan galiya iskuulada.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no Nettavisen.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of