Asker: Dacwad lagu soo oogay wiil soomaali ah oo 2016 aabihii dil u geystay

0
127

Sida uu saaka qoray muuqaal-baahiyaha TV2, xeer ilaalinta booliska Norway ayaa dacwad kusoo oogi doono wiil 22 sano jir soomaali ah, kaas oo dhamaadkii sanadkii 2016 dil u geystay aabihii.  Wiilkan dilka geystay ayaa tan iyo markii uu falkaas dhacay ku xareysnaa isbitaalka dadka maskax ahaanta u xanuunsan, isaga oo ilaa hada aan wax sharaxaad ah booliska ka siin qaabka ay wax u dhaceen.

Xeer ilaalinta ayaa sheegay inay baaritaankooda badankiisa ku saleeyeen waxyaabo ay ka heleen goobta uu falka dhacay, iyaga oo raaciyay in wiilku uu ilaa 70 mindiyood ku dhuftay aabihii, xiliga uu falka dilka ah dhacayay.

Khubrada baaritaanka ku sameeyo caafimaadka maskaxda dadka danbiyada geysta oo qiimeyn ku sameeyay wiilkan dilka geystay, ayaa soo saaray in qaanuun ahaan aan wiilkan ciqaab ahaan loo xukumi karin. Taas oo ka dhigan in hadii falka dilka ah lagu helo, aan xabsiga la geyn doonin, balse si qasab ah lagu dhigi doono goobaha lagu xanaaneeyo dadka maskax ahaanta u xanuunsan.

Cecilie Nakstad oo ah qareenka difaacaya wiilka dilka geystay ayaa dhankeeda sheegtay inay rajo ka qabto in wiilka uu soo xaadiro marka ay bilaabo dhageysiga dacwadiisa bisha may ee sanadkan.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments