Waxaa jiray maqaal aan horey u qoray oo dad iga soo weydiiyay su’aalo iyo doodo ku aadan arrintaasi. Waxaa wanaagsan inaad dhaqankaaga iyo taariikhdaada ma guurtada ah wax ka barato.

Maqaalka aan horey u qoray oo su’aalaha badnaa asigoo dhammaystiran guji halkaan http://norsomnews.com/2017/11/maqaal-soomaalida-norway-guurkii-wey-diideen-la-yaab-maxaa-u-sabab-ah/

Maqaalkaan wuxuu jawaab ka bixinayaa su’aalaha badnaa ee la iga soo weydiiyay maqaalkii horrey u qoray. Ceeb ma ahan in la garani waayo heerin, laakiin waxaan jeclaani lahaa inaad maqaalkaan si qoto-dheer leh wax badan ugu barato waliba adigoo isbar-bardhigaayo nuxurka ujeedada.

Heerinku waa markii gabar ama dhawr gabdhood ka haajiraan degaankii reerkoodu degganaa, una haajiraan degaan kale iyadoo ujeeddadu tahay guurdoon. Waxaa heeranka u badnaan jiray garoobada guurka horre ku guuldarraystay iyo gabdhaha gabarnimada ku weynaaday. Sidda badan gabdhaha waxay u hayaami jireen masaafo aad uga fog nawaaxiga reerahoodu deggan yihiin. Arrinta kaloo la yaabka leh waxay ahayd iyadoo ayna soo ballayn jirin dhallinyarada ay guurka ka rabaan, balse iska soo xaadirin jireen duqowda reerka u talisa, siiba ugaasyada, iyadoo caddaysanaya danta ay leeyihiin oo ku kooban guur. Markaas waxaad mooddaa inay magan-gelyo guur codsan jireen.

Waxaa dad badan qabaan in habeenka heermaa ahaan jireen kuwo caqli badan oo awood u leh inay fikrad curin iyo shaqo fulin isku daraan, taasoo hablaha Soomaaliyeed ku adkaani jirtay. Dad kalena wuxuu aaminsanaani jiray inay gabdhaha heermaa yihiin kuwa wiil iyo caano tafaha ku sida, waxayna u badnaani jirtay in gabadhii heeran lagu guursado ninkeeda mahadiyo, reerkeeduna noqdo mid mustaqbalkiisa dhalaalayo.

Heeranku kuma badna dhaqanka guurka Soomaaliya. Waayadahaan dambana wuxuu u egyahay mid sifihiisa horre wax ka beddelaya. Taasna waxaa sababay gabdhihii oo ka helay waddo ay guurka la’aan ku noolaan karaan.

Sheeko ku saabsan heerinku:- Sheekadaan waa sheeko aanan wakhtigeeda joogin aniga Cabduljabaar ahaan, balse waa sheeko caqli iyo garaad laga dhexli kara oo ku saabsan heerinku. Waa waayaha kamid ah ayaa 4 gabdhood soo heerameen. Waxay la soo kulmeen dhibaatooyin badan si ay u gaaraan meeshii ay u jeedeen oo ayna iyaga naftoodu aqoonin. Ma jirin qorshe habeysan oo safarkoodu lahaa iyo arrin qeexan oo ay u socdeen oo dhaafsiisan hiyi-kac guur. Iskadaa waxkalee, ma ayna aqoon jidka ay marayaan dhereerkiisa, jahadiisa, xaaladdiisa, mashaakilkiisa iwm. Waxaa kaliya oo ka hor-caddaa waxay ahayd in meesha laga yaqaan laga haajiro oo la tago meel aan laga aqoon. Waa meeshee, yaa deggan, yaan la kulmaynaa iyo maxaan ku hadli doonaa midna uma qorsheysnayn. Taasi wax kale ma ahayn ee waxay ahayd dabeecadda caanka ah oo heerankii horre iska lahaa. Waxay soo kac-kufaanba waxay soo galeen beel meel deggan oo ayna hubin inay tahay middii ay mahadin lahaayeen balse ay hubaan in ayna ka tirsanayn ciddii ay shalay kasoo saan-qaadeen. Dad ay arkaan waxaa ku horreeyay dhowr gabdhood oo dhalinyaro reer leh ah. Waxaad mooddaa inay la kulmeen dadkuu ugu habboonaa dad ay xaaladdooda u sheegan lahaayeen, maadaamaa ay isla yihiin bilis xaawo, waliba ay isku da’yihiin. Laakiin xaaladdu waa ka duwanayd siddii caadiga ahayd oo hablahaanu waxay ku dhaarsanayeen in ayna marnaba xogtooda ku furfurinn meel ka sokeysa guurtida cidda u talisa.  Odayaashii oo shirsan baa lasoo hor istaagay. Salaan kadib, fadhi baa lagu macsuumay oo waliba loo oggolaaday inay ujeeddadooda soo bandhigaan, taasuma waxay ahayd guushii ugu horreeysay oo ay la kulmeen tan iyo intay soo bara-kaceen, sheekadiina sidaan bay u dhacday:-

Gabdhihii:- waxaanu nahay afar gabdhood oo la soo furay. Ma qirsanin inaan eeddi furitaanka wada leenahay, isla markaasna ma dafirayno inaan wax ku leenahay eeddaas. War iyo dhammaantii waan ka soo heerannay cidahayaggii, u jeeddada heeraankayguna wax kale ma ahee waa guurdoon. Markaas waxaan codsanaynaa in na loo taliyo!

Beel daajiyihii:- waxaad ii sheegtaan inaad rag-doon yihiin, maxaad meeshaad joogteen calafkiinna ugu dhawri weydeen?

Gabdhihii:- adeer waad taqanaa dadkeenna, waxayna ogaal badan u lahayn bay xukumaan. Markii aan kala tagnay raggaan isqabnay baa eed iyo cambaarayn dhabarka naloo saaray. Iyadoo nala wareysanin baa nala xukumay. Anaga isku nin nama wada furin, iskumeelna nalaguma furin ee dhibaatadaa na walaaleysay. Markaas ma suurtowdo inaan afartayaduba naago xun nahay, afartii nin oo nafurtayna niman fiican yihiin, laakiin bulshadeenna sidaas wax u xukuntay.

Beel daajiyihii:- waxaad ii sheegteen in afartiinaba lasoo furay. Markaas ma ii sheegi kartaa sababihii ugu waa weynaa ee furitaankiina? Haddii ayna mid idin kamid ahi qirsanayn waxa lagu soo eedeeyay, markaas ha ii sheegto waxaa lagu nabay. Waxay ila tahay in xaalka hadda qof qof yahay, buu beeldaajiyihii warkiisii kusoo gunaanaday.

Gabadhii koowaad:- aniga waxaa la igu eedeeyey inaan hunguri weynahay.

Beeldaajiyihii wuxuu raggiisii kula taliyey in gabadhaas lagu daro nin ido badan leh, sawabtoo ah idaha subaggooda iyo caanahooduba dadkey hamuunta ka dilaan.

Gabadhii labaad:- aniga xoola-mabadar baa la igu eedeeyay.

Beeldaajiyihii wuxuu raggisii kula taliyey in gabadhaas nin lo’ badan iska leh la siiyo, sawabtoo ah dadka lo’da dhaqdaa markasta waa hawllanyihiin.

Gabadhii seddaxaad:- aniga goggol-dhaaf baa la igu eedeeyey.

Beeldaajiyihii wuxuu raggiisii kula taliyey in gabadhaas nin geel-jire ah lagu daro. Sawabtoo ah ninka geela raaca  iyo haween isma arkaan inta badan, markaas waxaa la qiyaasayaa inaan gabadhaasu heli doonin waqti ay goggol-dhaaf ku samayso, maxaa yeelay geel-raacahaba ma deeqdo.

Gabadha afaraad:- aniga dhega-adayg baa la igu eedeeyey.

Beeldaajiyihii wuxuu raggisii u sheegay in uusan wax daawo ah u hayn dhaga-addayg. Sawabtoo ah aafaddii laga samro waxaa lagu sifeeyaa keen iyo kaalay midna lagama karo! Markaas dhega-adeyga waa cudur aan daawo lahayn.

Sheekadaasi waa sheeko iska caadi ah waxayna ku saabsanayd gabdho kasoo gudbay soohdintii cidahoodu degganaayeen iyadoo ujeedadu tahay guurdoon. Waxaan ka wada marqaati nahay marka la isbar-bardhigo qurbaha iyo wadankii hooyo wuxuu furniinka ku badanyahay qurbaha. Siddoo kalle gabdhaha guurka ka daaha waxay ku badanyihiin qurbaha. Haddii caqliga iyo maanka si fiican loo isticmaallo waxaan fahmi karnaa in qurbaha ay ka jirto dhibaatooyin badan oo qoraal lagu soo koobi karin. Sidaas awgeed wakhtiyadaan dambe waxaad arkaysaa wiilal iyo gabdho Oslo u taga inay lamaane qanciya ka helaan, laakiin nasiib daro wakhtiyada iskuulada iyo shaqooyinka fasaxyadooda ayaa yar sidaas awgeed wiil iyo gabar walbo waa inay ku noqdaan magaalooyinkii ay ka yimadeen. Arrintaas waxay keeni kartaa in qofka niyad jab badan la kulmo, iyadoo ay usii dheertahay dhaqamada dowladda ay ku adkaynayso sharciyada soo galootiga.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of