Odense: Maxaa kala heysta dumarka soomaaliyeed iyo warbaahinta Denmark?

0
187
FOTO: Skjermdump/TV2.DK

Dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa si caqliga ka baxsan warbaahinta Denmark loogu hadalhayay dumarka soomaalida iyo ka qeyb-qaashadooda suuqa shaqada dalkaas. Waxaa arintaas hadalo kala duwan ka bixiyay siyaasiyiin uu kamid yahay reysulwasaaraha Denmark Lars Røkke.

Arintan ayaa ka bilaabatay warbixin uu muuqaal baahiyaha TV2 ee dalkaas ka diyaariyay goob ay isugu imaadeen toboneeyo dumar soomaali ah, kuwaas oo qaarkood ay wadankaas degenaayeen mudo ku dhow 20 sano. TV2 ayaa warbixintiisa cinwaan uga dhigay in «dhamaan dumarka soomaalida ah  oo ay la kulmeen aysan ku hadlin luuqada dalkaas, aysana heysan wax shaqo ah, inkasta oo dalkaas ay tobonaan sano degenaayeen».

Dumarka soomaalida ah ee warbixinta laga diyaariyay ayaa qeexay inay dhibaatooyin ku qabaan helida shaqooyinka, maadaama a aqoonta luuqadooda Denmark aysan heer fiican gaarsiisneyn.

Waxay warbixintaas dhalisay dood cirka isku shareertay, iyada oo qaar kamid ah xisbiyada dalkaas ay soo jeediyeen in lacagta kaalmada ah ama ceyrta laga jaro dumarka aan shaqeysan, ee wadankaas in mudo ah degenaa. Dhanka warbaahinta dalkaas oo arintan u rogtay fadeexad iyo ceebeyn guud mar ah.

Qaar kamid ah dumarka soomaalida ah ee degan dalka Denmark oo ka xanaaqsan warbixinta TV2 dalkaas ayaa iyagana dhankooda sheegay inay jiraan boqolaal dumar soomaali ah oo shaqeeyo, iyaga oo tusaalayaal usoo qaadanayo naftooda.

Siyaasiyiinta lokalka soomaalida lokalka ah ee magaalada Odense ayaa iyagana dhankooda sheegay in dumarka uu TV2 warbixinta ka diyaariyay ay ku jiraan kuwa shaqeysta, luuqada wadankaasna yaqaana, balse ay ka xishoonayeen kaamerada.

Reysulwasaaraha Denmark ayaa isna dhankiisa sheegay inay dhibaato tahay in dumar intaas oo sano wadanka degenaa aysan luuqada wadankaas ku hadlin, shaqana aysan heysan. Isaga oo raaciyay in aqoonta luuqada oo yar aysan sabab u noqon karin in qofku uu suuqa shaqada banaanka ka joogo.

Mar kale waxey dhacdooyinkan na xusuusinayaan muhiimada ay leedahay ka digtoonaanta la hadalka warbaahinta ee aan laga fiirsan, iyo fahan yaraanta soomaalida ee ku aadan nidaamka wadamada ay ku noolyihiin.

Xigasho/kilde: Halkan ka daawo warbixinada:

  1. http://nyheder.tv2.dk/politik/2018-02-19-somaliske-kvinder-behoever-ikke-at-tale-med-moppe-og-spand-siger-loekke-10
  2. https://www.tv2fyn.dk/artikel/somaliske-byroedder-flere-af-kvinderne-taler-flydende-dans
  3. http://nyheder.tv2.dk/politik/2018-02-19-somaliske-kvinder-behoever-ikke-at-tale-med-moppe-og-spand-siger-loekke-10
  4. http://nyheder.tv2.dk/samfund/2018-02-19-somalisk-kvinde-blev-provokeret-af-tv-2-indslag-jeg-betaler-ogsaa-skat
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments