torsdag, april 25, 2024

(Maqaal): DHAQAN CELIS IYO «PROPAGANDADA» NRK: SOMMALIDA MAXAA LAGUDBOON?

Waxaa qoray: Qaasim Maxamed Aadan, Bergen

Waxaa goobaha doodaha wadanka Norwey ka hari la` wararka ku saabsan carurta dhaqan celis loogu celiyo wadanka Somalia.  Wargeyska NRK ayaa mar kale soo saaray wax ay kusheegayaa baaritaan cusuban ay kusoo bandhigayan dhalinyaro norwegia ah oo lagu ciqaabo goobo lagu tilmaamey inay yihin dugsi Quraan. Sawirka uu kabixinaayo wargeyska xaalada ay kunoolyihiin «ardayda» dugsigaas oo lagu sheegay inuu kuyaallo xaafad ka mid ah xaafadaha magaala Muqdisho ayaa ka daran tii horey wargeysku soo shaacbixiyay dhowr blood ka hor.

Waxaa si wayn u qaatay arintan warbaahinta norwey oo dhan, doodo kulul ayaa laisku dhaafsayaa baraha bulshada, idaacadaha, saxaafadaha iyo goobaha lagu kulmo. Dadka dooda wwada waxay iskugu jiraan kuwo macquul ah oo rabo arinta xalkeeda iyo kuwo u arka inay heleen cudurdaar ay soomaalida ku weeraraan. Aqoonyahanada iyo indheer garadka soomaaliyeed kama maqna dooda inkastoo aragti midaysan ay kahaysanin arinta. Waxaad mooda waxay keliya ka midaysanyihiin dhaqan celintu inay ficnayn oo caruur waalid aan lasocon inan la aqbali karin in loo celiyo goobo waalidka aan soo xaqiijinin fa`idada ama khatarta caruurta ka waajihi karta.

Wargeyska NRK uma arko inuuyahay mid dhexdhexaad arinta ka ah oo rabo keliya inuu soo tebiyo dhacdo ama war saameya bulshada norwejiga. Waxay qaateen mowqif fool xun oo lala gabanayn cebaynta soomaalida iyo buun buuninta arinta. Waxay adeegsadeen sharaxaad iyo saawiro aan macquul ahayn.

In kastoo aan wada ogsoonahay in cunfi iyo is xaqiraad si weyn loogu adeegsado goobaha waxbarashada oo aan la difaaci karin dhaqanka badankeenu wax kusoo baranay, hadana xad gudub ayay ila tahay in wargeys qaran awoodisa oo dhan u isticmaalo ceebeynta iyo xaqiraada ummad lagu tilmaamo inay kamid tahay soo galootiga kuwooda uga badan wadanka Norwey, waa arin aan lag aamusi karin.

Dad badan oo soomaali ah oo ay kujiraan dad lagu tilmaami karo aqoonyahano ayaa markay saxaafada la hadlayaan sheega waxyaabo aan sax ahayn ama lagu tilmaami karaa inay yihiin «LA JIIFIYANA BANAAN». Waxaan kula talin lahaa dadka la xiriira saxaafada inay aad uga fiirsadaan wax ay sheegayaan. Waxaa laga yaaba in sabatu ay tahay cabsi uu qofka kaqabo inuu ka hortago ra`yul caamka oo loo arko qof aan wacyi laheen. Mararka qaar waxaa laga yaaba qofku inuu kuburaarugsanayn saamaynta uu yeelan karo hadalkiisa. Nin saaxibkayga ayaa dhaha «hadalka waa sida loo qoro ee ma aha sida loo yiri. Tusaale ahaan wargeyska NRK wuu kasoo xigsaday aqoonyahan soomali ah inuu yiri caruurta loo celiya dhaqan celis ama dugsi Quraan waa u caadi soomaalida Norwey ku nool. Arinta dhan hadaad ka eegtid waa sax dhan kalena waxay naga dhigaysa cawaamo aan kala garanaynin danta caruurtooda. Ina la dhaha soomaalida caruurtooda way u celin karaan Quraanka Kariimka inay soo bartaan, laakin marna ma ogolaanaya in caadi nootahay inaan caruurteena u dirno xabsiyada uu tilmaamayo NRK.

Si kastaba haa ahaatee, waxaa iga tala ah in soomaalida wadankan ku nool ay wacji iyo fajignaan dheeraad ah ay yeeshan. Uga horayn waa lagama marmaan in waalidiintu caruurtooda geliyaan wakhti iyo dhaqaalo u qalma intay yeryer yihiin loona kaashado systemka wadanka ka jiro ayadoo xuqooda iyo waajibaadka la tixgelinayo. Canuuga aan yeraanti lagu toosinin lagama yaabo in awood iyo maquunin uu ku tooso mar uu waynaaday. Dhan celinta noocan ah natiijo wanaagsan lagama gaaro ayay ila tahay, bal waxay keeni karta cadowtinimo ka abuuranta waalidka iyo canuuga uu isleeyahay wac wanaagsan u qabo. Howshu way noqonaysa siday soomaali horay uga maamaahday «HAL BACAAD LAGU LISAY».

Waxaa muhim ah in dhaqamada kala duwan ee dalka iskula nool ay istixgeliyan, ixtiraam iyo xusjmad lagu wada noolaado. Anaga waa inan barana dhaqanka wadanka ka jira si aan ula tacaamuli karno, aana u fahamno sababaha kalifo in waxyaabaha aan u haysano inay yihiin wax xun, wadanka caadi uga yihiin. Isdhexgalku waa laba geesood. Anaga iyo bulsha waynta aan u nimi tanaasul iyo ixtiraam ayaa lanoogu baahanyahay.

Laakin waxaa meesha kujira NRK inay Buun buuninayso arintan dan kalena ay ka leedahay oo aan ahayn warbixin lagu soo gudbinayo keliya dhacdo. Warka ay soo tebinayso NRK oo kusaabsan soomaalida wuxuu u egyahay «Propaganda». Waxaana ka codsanaya NRK inay ka fiirsato arimaha xasasiga ah si ay runta loo meel mariyo. Anaga caruurteena u madirno xabsi lagu ciqaabo. Hadduu se ay jiraan dad jebiya xeerarka wadanka waa in lagu soo ooga xujada maxakamadna la hor keena. Way nagu adagtahay inaan mar walba iska difaacno wax aan garanayn. Mana ilaawsanin xilka iyo waajibka naga saaran caruurteena iyo wadankeena oo ah degaankeena labaad. Waxaan aaminsanahay xaalada adag ee ay soomaalida Norwey ku nooshahay way isbedeli doonta, taxadityaad badanba ha jiraane. Anagana yedadiilada kama dhimanayno -kuwa na naceb haa jeclaadeno ama neceebkooda haa ku dhintaano.


Waxaa qoray: Qaasim Maxamed Aadan, Bergen


Hadii aad rabto inaad bulshada la wadaagto fikirkaaga ku aadan arintan, waxaad qoraalkaada noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x