Abdul Ahmed: Qoraha maqaalkan

Dhibaatooyinka qofku la kulmo marka uu ku nool yahay waddan shisheeye way fara badan yihiin. Waxaa laga yaabaa inuu la kulmo, dhibaato xagga luuqadda ah, kuwa la xiriira dhaqanka iyo diinta iyo kuwo kale oo shakhsiyan u soo wajaha. Dhibaatooyinkaas oo dhan waxaa laga yaabaa in xal laga gaaro, haddii dedaal iyo is-kaashi lala yimaado. Waxaase dhib badan marka dhibku salka ku hayo dad wax walba ka midaysan oo ku nool dhul shisheeye.

Waxaan hoosta ka xariiqayaa in fikirka iyo sida dhibaatooyinka loo xalinayo lagu kala aragti duwanaan karo. Koox gaar ahina ayna ‘’monopoly’’ ku haysan xallinta dhibaatooyinka. waxaase biyo kama dhibcaan ah in hadafku mid yahay, oo isku meel loo jeedo, waddooyin kala gedisanba ha loo maree.

Qoraalkan kooban waxaa igu kalifay inaan qoro, kadib markii ay ii muuqatay khatarta ay yeelan karto in dad walaalo ah oo ku wada nool magaalo kaliya la dhex dhigo cabsi iyo colaytan aan loo meel dayin. Haddii aan jilciyo beryahan dambe magaalada aan ku noolahay ee Bergen iyo guud ahaan waddanka Norway waxaa ka jirtay hadal-hayn ku saabsan carruur la sheegay in Soomaaliya lagu celiyey oo lagu xad-gudbay. Xukuumada Norway iyo wasiirada qaarna ay ka hadleen. Dhacdadaasi waxay abuurta jahwareer soo food saaray dadka Soomaaliyeed oo ku saabsan dhacdadan.

Mudo aan fogayn ayaa wargayska BT ee ka soo baxa Bergen wuxuu qoray qoraal uu arrintan kaga hadlayo.  Wargayska oo soo xigtay laba qof oo noorweeji ah oo arrimahan ka shaqeeya oo waraysi siiyey. Midkoodna oo lagu magacaabo Sølve Sætre ayaa sheegay in dad Soomaaliyeed oo arrimahan ka welwelsan la soo xiriireen, kulan hordhac ahna yeesheen. Waxa kale oo uu sheegay in ay u ballameen kulan intaa ka ballaaran oo arrimahan iyo kuwo kale lagu falanqayn doono. Waayo wuxuu sheegay in arrintani ay khatarteeda leedahay, loona baahan yahay in deg deg ah wax looga qabto. https://www.bt.no/nyheter/lokalt/i/Rxy9rO/Bekymret-for-barn-som-sendes-til-Somalia(Halkan ayaad ka dheehan karta qoraalka wargayska)

Waxaan ka mid ahaa dadkii la xiriiray degmada markii ay arrimahani cusbaayeen. Doodeenu waxay ahayd in saxaafada iyo xukuumaduba si aan cadaalad ahayn ula dhaqmaan soomaalida. Waliba doodeenu waxay xooga saaraysay sababta looga dhigayo soomaalida oo dhan dad dambiileyaal ah. Haddii qoys iyo laba ay carruurooda ku xad-gudbeen taas micneheedu maaha in soomaalida oo dhammi ku xad-gudubto carruurtooda. Runtii arrintaa waa na looga garaabay kulan kalena waa loo ballamay. Kulankii dambe waxaa ka soo qayb galay 3 Byråd oo kala ahaa byrådka iskuulada iyo xannaanooyinka, byrådka arrimaha bulshada, guryaha iyo is-dhexgalka iyo byrådka caafimaadka iyo daryeelka. Halkan ka akhriso kulankii iyo waxyaabaha looga hadlay:

https://www.bergen.kommune.no/hvaskjer/tema/inkludering-av-flyktninger/10711/article-151911.

Haddaba waxaa dadka magaalada Bergen iyo nawaaxigeeda ku nool lagu soo dhex tuuray ku tiri ku teen aan sal iyo baar lahayn oo dadka cabsi iyo colaytan dhexdooda lagu abuurayo. Waxaa ka mid ah waxyaabaha dadka dhexdooda lagu soo tuuray, dad soomaali ah ayaa ka war bixiya dadka soomaalida ah. Taas oo dadka cabsi iyo kala shaki ku abuurtay. Waddankan wuxuu leeyahay sir-doon loo igamaday, umana baahna qof soomaali ah oo u tebiya wararka.

Haddaba waxaa habboon in qof walba waxa uu sheegayo iska hubiyo, Rabbiigiisna uga baqo. Dadkana waxaa leeyahay shakiga iyo cabsida aan iska dayno, sidii aan waddankan qurbaha ah ee aan ku wada nool nahay ugu noolaan lahayn aan iska kaashano. Carruur ayaa noo joogta sawir fiican aan u noqono. Waxaa muhiim in la xuso, waalid cabsi ku nool khalad badan inuu galo u badan tahay cabsidu waxay saammn tabban ku yeelanaysaa barbarrinta carruurta. Xaquuq ayaan waddanka ku leenahay, waajibaadna wuu na saaran yahay.  In aan wixii aan dhibsano ka hadalno, waxay ka mid tahay xaquuqdeena. Marka degmada ayaa lala kulmay ceeb iyo cabsi-gelin in laga dhigo waa wax aad u foolxun oo aan xigmad iyo miyir-qab ku dhisneyn. Su’aashu waxay tahay horta nidaamka dawladeed  yuu u shaqeyaa ?

Rabbi nagu filan aan Rabbi talo saarano, horeyna u socono.

Illahay waxaan ka rajaynayaa inuu xaqa na waafajiyo.


W.Q: Abdul Ahmed


 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of