London: Nin loo qabtay dilka labo wiil oo soomaali ah

0
180
Sawirka:Labada wiil ee soomaalida ah ee dilka loo geystay.

Laamaha amaanka magaalada London ee dalka UK ayaa xabsiga dhigay wiil 18 sano jir ah, kaas oo lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay fal dil ah oo loo geystay oo maalmo kahor lagu dilay magaalada London.

Ninkan oo lagu magacaabo Isaiah Popoola ayaa loo heysta dilka Marxuum Cabdiqaadir Xasan oo 17 jir ah iyo Marxuum Sadiiq Aadan Maxamed oo 20 jir ah, kuwaas oo talaadadii lasoo dhaafay si arxandaro ah mindi loogu dilay magaalada London.

Sidoo kale ninkan ayaa lagu soo eedeyn doonaa danbiyo kale oo la xiriira dhaawacyo loo geystay labo qof , isla habeenka dilka loo geystay labada wiil ee soomaalida ah. Waxaana maxkamad lasoo taagi doonaa maanta oo isniin ah.

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments