Germany: Soomaali lala xiriirinayo Al shabaab oo ciidamada dalka Germany ay qabteen.

0
164

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Germany ayaa qabtay wiil soomaali ah, kaas oo la sheegay inuu katirsanaa dadka u dagaalama al shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Soomaaligan la qabtay oo da´diisa lagu sheegay 20-sano jir ayaa lagu magacaabaa Cabdulqaadir. Waxeyna ciidamada la dagaalanka argagaxisada dalkaas sheegeen inuu qeyb ka ahaa fal isku day dil ah oo lagu fulin lahaa shaqsi katirsan madaxda sare ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Lama sheegin magaca iyo darajada qofka katirsan dowlada Soomaaliya ee falkan isku dayga dileedka ah lagu fulin lahaa.

Falka isku dayga dilka ah ayaa dhacay sanadkii 2012, xiligaas oo 20-jirkan soomaaliga ah uu ku sugnaa Soomaaliya.

Ciidamada nabadsugida ayaa sheegay inay soomaaligan in mudo ah ku daba-joogeen raadkiisa, ugu danbeyna ay kasoo heleen is maamul goboleedka Hessen ee dalka Germany.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments