Dowlada Norway oo qiimeyneysa in abaal-marin loo sameeyo soo galootiga dhigta intro-programka

0
118
Jan Tore: Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo isdhexgalka Norway

Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada Norway, Jan Tore Sanner  ayaa sheegay inuu qiimeynayo in abaalmarin loo sameeyo soo galootiga dhigta barnaamijka introduksjonsprogramka, ee barnaamijkaas uga gudba shaqo ama waxbarasho.

Introga oo Norway laga hirgaliyay 15 sano kahor ayaa socdo labo sano, waxaana loogu talagalay in soo galootiga wadanka ku cusub ay mudadaas shaqo ku helaan ama waxbarasho sare kusii wataan. Dowlada Norway ayaa barnaamijkan sanad walba ku bixisa ilaa 17 bilyan NOK, Laakiin qiyaasti 60% dadka dhigta barnaamijkan ayaa gaara ujeedooyinka barnaamijka ee ah shaqo ama waxbarasho.

Wasiirka cusub ayaa aaminsan in barnaamijkan uusan sidii loogu tala-galay u shaqeynin, sidaas darteed wuxuu soo jeediyay in isbadal la sameeyo, isaga oo sheegay inuu qiimeynayo in abaarmarin loo sameeyo soo galootiga barnaamijka dhigta ee gaara waxbarasho ama shaqo.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments