Qareenka  soomaaliyeed ee Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar ayaa loo doortay Gdoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Cabdiqawi oo horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadaas ayaa noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqna Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946.

Cabdiqawi Axmed Yusuf waa 70 jir ah ayaa macalin kuliyada sharciga dhiga sharciga ka ahaa jaamacadii Umada soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiqawi wuxuu la taliye dhanka sharciga ah u noqday hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood sida UNESCO, UNIDO iyo UNCTAD, ka hor intii uusan ku soo biirin Maxkamada sanadkii 2009.

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of