Abdullahi CC: Ma la dhihi karaa soomaalida waa laga gardaran yahay?

0
96
Abdullahi CC, Bergen Foto: Faksimile/Bergens Tidende

Hay’adda tira koobka Norway (SSB) ayaa bishii 12aad ee 2017 soo badhigtay cilmibaaris ku saabasan natiijooyinka dadka ka qeyb-qaata barnaamijka hordhaca ah(introduksjonsprogrammet) ee dadka soo galootiga ah loogu diyaariyo la qabsiga waddanka iyo dib u dejintooda. Waxay ku saabsaneed inta ruux ee ka faaa’iideysata isla markaasna shaqo ama waxbarasho u gudubta marka barnaamijku ka dhammaado. Baaritaanada waxaa lagu saleeyay waddamada soogalootigu ka kalayimadeen, waxayna cilmibaaristu muujinaysa in dadka ka yimid Eritrea iyo Ethiopia ay aad uga sareeyaan qowmiyadaha kale.

Liiska ayaa waxaa ugu hooseeya soomaalida. Arrintaan waxay dhalisay dood iyo in lagu kala aragti duwnaado, dadka qaar, (khaasatan) soomaalida ayaa qaba in aan arintaan laga run sheegin waxayna doodoodu ku qotontaa in soomaali badan oo shaqeysa ay jirto. Qaar kalena waxay qabaan in arrintaan ay xaqiiq ku salaysan tahay, oo loo baan yahay cadeymo beeninaya cilmi-baaristaan. Hadaba anigu waxaan ka mid ahay dadka qaba in arintaan xaqiiqa tahay loona baahan yahay in qaab cilmiyeysan loo wajoho.

Ma ahan markii ugu horeysay ee la sheego in soomaalida Norway ay ka liidato qowmiyadaha kale, marka laga hadlayo dhanka waxbarashada, shaqooyinka iyo is-dhexgalka. Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa keenay in mar kastaa aan liisaska ka galno meelo hoose?

Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay ayaa waxay ku sheegayaan sababa kala gedisan oo ay ka mid tahay in soomaalidu waddanka ku cusub tahay iyo waxyaaba badan oo kale.

Laakiin anigu shakhsiyan waxaan qabaa inay jiraan duruufo kale oo ka xeel-dheer waqtiga gaaban ee aan waddanka joogno. Inta badan qowmiyadaha sida Eritrean-ka, soomaalida ayaa Norway uga soo horeeyey.

Hadaba waxaay ila muuqata in heerka nalaga sugayo iyo waxa nalagu qiimeynayo ay aad uga duwan yihiin tabarteena, iyo waxa aan awoodno marka loo eego  duruufaha jira iyo baahiyaha nagu gadaaman.

30% waxaan ka yaryahay 20 sano: 

Waxaa Norway degan qiyaastii 42.000 oo soomaali ah. Waxaa kale oo la sheegay in 83% ay da’doodu ka hooseyso 40 sano, 30% waxay ka hooseyaan 20 sano. Sida aan la wada socono soomaaliya ku dhawaad 30kii sano ee ugu danbeysay waxaa ka socday dagaalo sokeeye. Taas oo micneheedu yahay dadka badan 34000 oo soomaalida Norway ka mida kuma garaadsan dawladnimo iyo maamul. Dhibaatadaas waxay sababtay in dad badan oo soomaaliyeed ay culeysyo kala kulmaan wax-barashada, shaqooyinka iyo is-dhex galka bulshada maadama waxbarsho iyo khibrad aysan waddanka la soo gelin. Hadaba ma cadaalad baa in soomaalida la barbardhigo dadyow waddammo dhisan oo siisteem shaqeeya leh, fursadna u helay waxbarasho iyo khibrad shaqo? Baahida qaaska ahi miyaysan u baahneyn daawo qaasa?

Waxaan cadeynayaa in hadii aan soomaali nahay aan fursada fiican aan heysanoo oo aan guulo ku gaari karno laakiin hadana cidii duruufeysan waa in loo garaabo

Qoraalkaan oo norwayji ah wuxuu 10.02.18 ku soo baxayaa jariirada Bergenstidende(BT).

W.Q: Cabdullahi Cilmi Ibrahim (CC)

https://www.ssb.no/utdanning/artikler-og-publikasjoner/flest-i-arbeid-og-utdanning-blant-flyktninger-fra-etiopia-og-eri

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments