Qore: Cabdishakuur  X. Muxumed Muuse (Heersare)

—————————————————————————————————–

Sannadahan danbe waxa sharci lagaga dhigay dadka doonaya inay degaan Norway ee codsanaya sharciga degenaansho ama baasaaboorka weyn qaadanaya inuu barto cilmiga bulshada, oo ka dib na imtixaan lagaga qaadayo. Qofku marka uu helo oggolaansho sharci ah waxa uu helayaa xuquuq, isla markaana waxa fuulaya waajibaad looga baahan yahay inuu fuliyo. Waxa lagama maar maan ah in qofku barto oo uu wax badan ka ogaado shuruucda iyo qawaaniinta waddanka u yaalla ee ay tahay inuu dhawro kuna dhaqmo. Waxa ay dowladda Norway diyaarisay cilmiga bulshada ee dadka waa weyn loogu talo galay oo afka noorwijigana loo yaqaanno “samfunnskunnskap”.

Waana cilmi qofka aan Norway ku korin fursad u siinaya inuu barto waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa isaga xaqa loogu leeyahay. Waxana sharci laga dhigay inuu qofku 50 saacadood oo laba todobaad ah uu cilmigan barto oo uu fasal fadhiisto, ka dib uu imtixaan galo. Haddaba, marka aan u soo noqdo dulucda qoraalka. sannadkii hore ee 2016 bishii August 2016 waxa aan ka mid ahaa dad u fadhiistay imtixaanka cilmiga bulshada ee dadka waa weyn, ka dib markii aanu qaadannay tababarkaa labada todobaad ah. Waxana tababarka loo qabtay guud ahaan dadka ajaanibka ah ee oslo ku nool ah meesha aan aniguna ku noolahay. Sidaas oo kale ayaa ajaanib kasta magaalada ay ku nool yihiin loogu qabtay. Qolo kastaa ba afkooda ayaa wax loogu dhigayey, annaguna afsoomaali ayaanu ku dhiganayay. Si qof kastaa u fahmayo guud ahaan waxa la barayo ayaa afkiisa loogu dhigayey. Markii uu tababarku noo dhammaaday waxa aanu isu sii diwaangelinay imtixaanka aanu geli doono.

Markii aanu imtixaanka galnay ee aanu asxaabtii is waraysannay waxa aan ku war helay in qaar badani imtixaankii dhaceen, balse nasiib wanaag anigu waan ku guulaystay. Waxa aan markaa guda galay in aan aan ogaado sababta rasmiga ah ee ay imtixaanka u dhaceen, inkasta oo ay fursado kale haystaan oo ay mar ku dib u geli karaan. Waxa i soo baxay dhawrkan sababood oo aan rabo in dadka kale wax ka bartaan si aan loogu dagmin.

  1. dadka qaar oo aan wareystay waxay ii sheegeen in markii ay wax akhriska iyo is diyaarinta ku jireen inay muhiimadda sareen su’aalo diyaarsan oo 38 ahaa, oo markii uu tababarku noo dhammaaday imtixaan tijaabo ah la nagaga qaaday. Iyaga oo filayey in su’aalahaas uun la is daba marin doono oo uu imtixaanku ku iman doono. Walow qaar ka mid ahi ii sheegeen in macallinkii tababarka na siinayey ku booriyey inay su’ aalahaas aad u akhriyaan. Wax dhaafsiisan may akhriyin.

Dad badani ma bay akriyin mareegta ay ku jiraan casharradii aanu dhigannay. Ciddii aan hore u aragi waxa ay booqan kartaa mareegtan “http://www.samfunnskunnskap.no”. Waxa ku jira cilmiga bulshada oo 19 luuqood oo afsoomaaligu ka mid yahay ku qoran. Markaa haddii aanu qofku si fiican u akhriyin casharrada ku jira webkan waxa uu la kulmayaa caqabad xagga imtixaanka ah, oo su’aalo badan ayaa ku adkaanaya.

  1. Dhibta kale ee ay ii sheegeen dadkaa aanu imtixaanka wada galnay waxay ahayd in kuwa dhacay u badnaayeen kuwii luuqadda noorwiijiga ku galay, iyagoo gees maray afsoomaaliga oo ay ku geli karayeen. Sababta ay afka noorwiijiga ku doorteen waxay tahay iyada oo aan mar danbe aanu qofku imtixaan u gelayn qaadashada baasaboorka weyn, oo hal imtixaan ayaa kaga filan helitaanka sharciga degnaanshaha iyo baasaboorka weyn ba. Taas macnaheedu waxa weeye haddii aad af kale ku gasho imtixaanka waxa aad gelaysaa laba jeer. Haddii aad afka noorwiijiga ku gashana waa hal mar. Waxa se taladu tahay, haddii aanad si fiican u garanayn af noorwiijiga oo aad imtixaanka ku gasho waxay dhibaato kaa qabsanaysa fahamka kelmadaha, oo mararka qaar waxa dhacaysa adiga oo su aasha garanaya in haddana aan kelmadihii fahmi waydo. Sidaa darteed,waxa mudan in qofku afkiisa hooyo ku galo sida soomaaliga. Intaa ka horraysa imtixaanka kale oo af noorwiijiga uun lagu gelayo inuu si fiican u sii barto afka.

  2. Qaar kale oo dadka ka mid ahi waxay ii sheegeen in su aalo ay garanayeen oo imtixaankii tijaabada ahaa ku jiray oo is la daba mar mariyey ay ku wareereen. Mararka qaar waxa dhacda in kelmado cusub oo daro is la su aashii uu qofku hore u arkay. Haddii ay sidan oo kale ku qabsato waxa aad kaga baxaysaa in aad si fiican u fahamto dulucda su aasha, adiga oo dooranaya jawaabta aad ku qanacdo inay tahay ta saxda ah. Gunaanadka marka aan u is dul taago talada guud waxa ay tahay; haddiiba aad imtixaan gelayso ka ma soo hadho diyaargarowga aad samaynayso, in aad si fiican wax u akhrido,iyadoo marka aad gelayso imtixaanka cilmiga bulshada na aad mug leh u akhriyo mareegtahttp://www.samfunnskunnskap.no.

Cabdishakuur  X. Muxumed Muuse (Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of