Bartamihii bishii Desember ee lasoo dhaafay ayuu xisbiga Venstre sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal ka furo kamid noqoshada xukuumada Erna Solberg ee ka kooban xisbiyada Høyre iyo Venstre. Waxaana maanta oo talaado ah si rasmi ah u bilaabanaya wada hadalada ay xisbiyadan kusoo dhisayaan xukuumada cusub, ayna heshiis ku gaarayaan.
Wadahadalada xisbiyada ayaa maanta ka furmay hotelka Jeløy ee magaalada Moss. Waxaana lagu wadaa in qiyaastii ay socdaan ilaa 15 maalmood, kahor inta aysan soo bandhigin waxa ay ku heshiiyeen.
Venstre: Sadex wasiir oo cusub.
Sida ay ilo katirsan dowlada u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta, xisbiga Venstre ayaa lagu wadaa inay xukuumada Solberg ka helaan ilaa sadex wasiir, inkasta oo dadka qaar ay aaminsanyihiin inay heli karaan afar wasiir. Gudoomiyaha xisbiga Venstre Trine Skei Grand ayaa iyadana lagu wadaa inay noqoto wasiirka waxbarashada ama dhaqanka.
Qodobada ugu adag ee la filayo inay dooda ugu badan ka galaan xisbiyadan ayaa waxaa kamid ah mida ku saabsan cimilada iyo deegaanka, iyada siyaasada arimaha soo galootiguna ay kamid tahay doodaha ugu adag ee la filayo inay xisbiyadan galaan. FRP ayaa horey Venstre uga digay inay isku dayaan inay furfuraan siyaasada soo galootiga, iyaga oo cadeeyay inuu FRP kamid noqon doonin xukuumad jilcisa siyaasada adag ee soo galootiga Norway.
Sida ay qoreen warbaahinta qaar, waxaa dhici karta in FRP ama Høyre midkood ay dajiyaan siyaasada soo galootiga, xisbiga Venstre-na loo daayo siyaasada isdhexgalka bulshada.
Sadexda xisbi ee maanta u fadhiisayana wada hadalada xukuumad dhisada, ayaa isla wada qiray inaysan wada hadaladan noqon doonin kuwo fudud. Erna Solberg oo afartii sano ee ugu danbeysay la daalaa dhaceysay isku heynta afarta xisbi ee taageersanaa siyaasad ahaan, ayaa waxaa sugi doono shaqo adag oo ah inay hogaamiso xukuumad ay kamid yihiin labo xisbi oo aragti aad u kala fog meelaha qaar.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.