Xisbiga Venstre oo ugu danbeyn kamid noqon doono xukuumada Solberg

0
148
Foto: Skjerdump/nrk

Xisbiyada Høyre, Frp iyo Venstre ayaa tan iyo labadii bishan Janaury u fadhiyay wada hadalada ku saabsan soo dhisada xukuumad cusub oo ay sadexdan xisbi wadaagaan.

Xisbiga Venstre ayaa maanta ugu danbeyn ogolaaday inay ku biiraan xukuumada Erna Solberg ay hogaamiso ee ka koobneyd xisbiyada Frp iyo Høyre. Frp ayaa iyagana dhankooda ogolaaday inay kasii mid noqdaan xukuumada Solberg ee Venstre lagu soo biirin doono.

Madaxda sadexdan xisbi ayaa daqiiqado kahor qabtay shir jaraaid oo ay kusoo bandhigeen inay gaareen heshiis-siyaasadeed oo ku saabsan inay soo dhisaan xukuumad ay wadajir ku yihiin, mid kastaana wuxuu goonidiisa u sheegtay inuu guul ka gaaray wada hadalada, uuna meelmariyay danaha xisbiga.

Xisbiyadan ayaa sidoo kale sheegay inay gadaal kasoo sheegi doonaan qaabka ay u qeybsadeen wasaaradaha, iyo liiska golaha xukuumad cusub ee reysulwasaare Ern Solberg.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments