Xeer Cusub: Qofka magangalyada codsado, waxaa loo ogolaan karaa inuu shaqeeyo, inta uu jawaabta codsiga sugayo.

1
138
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Wixii ka bilowdo sanadka cusub waxaa dhaqangali doono xeer cusub oo qofka Norway magangalyada soo weydiisto(iska dhiibo) u fasaxaya inuu codsado ogolaanshaha shaqada, inta uu jawaabta ka sugayo codsigiisa.

Ujeedada arintan ayay dowladu sheegtay inay kamid tahay in lagu hormariyo isdhexgalka bulshada, isla markaana uu qofku xili hore xiriir la yeesho suuqa shaqada. Iyo inuu waqtigiisa wax faa’iido leh uu ku qabto inta uu jawaabta codsiga sugayo.

Si qofka loo siiyo ogolaanshaha shaqada, waa inuu keenaa waraaqo safar ama aqoonsi qaran ee wadanka uu ka yimid. Qodobkan ma khuseeyo wadamada aan bixin aqoonsiga shaqsiga ama passportka.

Xigasho/kilde: UDI-REGELVERK, LOVDATA.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
abdimajid
6 years ago

i would like to accepted me iam sylum seeker from somalia