WP: Norwiijigu waxey u qaxeen USA, waxeyna ahaayeen dad aan ku fiicneyn isdhexgalka bulshada.

0
120

Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa maalmo kahor si aan ka fiirsasho laheyn u sheegay in hadiiba Mareykanka uu soo qaadanayo qoxooti, ay fiicnaan laheyd inay kasoo qaataan Norway, intii ay keeni lahaayeen soo galooti kasoo jeedo wadamo uu ugu yeeray boosaneero(godka musqusha).

Xiliga uu Trump hadalkaas dhahayo waxa uu maalmo kahor la kulmay reysulwasaaraha Norway, wuxuuna ka warqabay in dadka norwiijiga aysan u baahneyn inay dalkiisa u tahriibaan. Norway ayaa xiligan kamid ah wadamada ugu qanisan aduunka dhaqaale ahaan, balse 100 sano kahor Norway sidan ay maanta tahay ma aheyn.

Wargeyska weyn ee Washingtonpost oo tixraacaya hadalka Trump ee Norway qoxooti halaga soo qaato, ayaa warbixin ka qoray taariikhda boqolaal kun oo reer Norway ah, kuwaas oo qarnigii 18-aad u qaxay dalka Mareykanka.

Hadii aad u fiirsato waxyaabaha ay xiligaas warbaahinta Mareykanku ka qori jireen Norwiijiyaankii u qaxay, waxaad kusoo xasuusan waxa ay warbaahinta Norway maanta kaqorto soo galootiga.

Sida uu WP ku xusay qoraalkiisa, Norwiijigii Mareykanka u qaxay, waxa ay ahaayeen dad aan dadka dhexgalin, luuqadu ay ku adagtahay.

Halkan kasii akhri washingtonpost. 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments