Wasiirka amniga Soomaaliya: Waxaan Listhaug ka wada hadalnay sidii xiriirka labada wadan loo xoojin lahaa.

0
159
Foto: Facebooga wasiirka amniga.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ayaa caawa fiidkii magaalada Nairobi kula kulantay wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abukar Islow iyo Maxamed Cabdi Afey oo qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya.

Wargeyska VG ee dalkan Norway ayaa xili hore oo  ah soo qoray in ajendaha kulanka ay Listhaug la yeelan doonto wasiirka amniga uu kamid yahay sidii taabagalin loogu sameyn lahaa heshiis dib u celin oo ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Norway.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa daqiiqado kahor bartiisa Facebooga(halkan ka fiiri) soo dhigay sawiro uu la galay wasiirada soo galootiga Norway, isaga oo raaciyay qoraal uu ku sheegayo inay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada wadan.

Wasiirka amniga ayaa shaqo ahaan ah masuulka dowlada Norway u xaqiijin kara in amniga Soomaaliya uu yahay mid soo fiicnaaday, isla markaana qoxooti dib loogu celin karo. Sidoo kale Maxamed Cabdi Afey oo kulanka kala qeybgalay ayaa xafiiska qaramada midoobay ee Afrika u qaabilsan qoxootiga soomaalida ah ee dalkoodii dib loogu celinayo.

Arinta fadeexada ku noqon doonto wasiirka amniga iyo guud ahaan dowlada Soomaaliya ayaa ah inuu wasiirku wadan shisheeye uu u safro si uu wasiir dal kale ugala wada hadlo amniga dalka uu awoodi waayay inuu wasiiradaas ku qaabilo.

Wixii arintan kusoo kordho dib ayaan kasoo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments