Warbaahinta Norway oo si aad u hadalheyso booqashada Sh Siciid Raage ee Norway.

0
191
Foto: Stillebilde: Youtube

Siciid Raage oo ah wadaad soomaali Kanadiyaan ah oo maalmahan ku sugnaa dalkan Norway, ayay warbaahinta dalkan Norway aad u hadalheysaa booqashadiisa uu ku joogo dalkan.

Wasiirada soo galootiga dalkan, S. Listhaa ayaa shaley sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in wadaadkan Norway lagu casuumo, iyada oo raacisay in fikradaha qaar ee uu Sh Said Raage aaminsanyahay ay yihiin kuwa aan la jaanqaadi karin dhaqanka Norway.

Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto in soo galitaanka Norway laga mamnuuco wadaadkan soomaaliga ah, ayna rabto in dowladu ay diyaariso liiska wadaado loo diidi doono inay Norway soo galaan, iyada oo ku tilmaantay inay fidiyaan fikir xanbaarsan naceyb.

In kabadan 30 wargeys oo kasoo baxa Norway ayaa maanta wax ka qoray booqashada Said Raage oo sidoo kale ka qeybgali doono mutamarka dhalinyarada ee masaajidka Towfiiq oo ka dhici doono masaajidka Oslo.

Sidoo kale wasiirada soo galootiga Norway ayaa barteeda Facebooga kusoo bandhigtay qoraal ay uga hadleyso booqashada wadaadkan soomaaliga ah ee Norway, waxaana fikrado ka dhiibtay dad kor u dhaafayo kun qof.

Said Raage ayaa lagu tiriyaa inuu yahay mid kamid ah wadaadada soomaalida ah oo ay aadka ugu xiranyihiin dhalinyarada ku korta qurbaha.

 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, NRK, Nettavisen…….

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments