Venstre oo xisbiyada ay dowlada kula jiraan ka jeestay maalin kadib markii ay xukuumada dhisteen

0
96
Foto: Skjerdump/nrk

Xisbiga Venstre oo maalmo kahor uun kamid noqday xukuumada Høyre iyo Frp, ayaa maanta baarlamaanka kaga aragti duwanaaday xisbiyada ay xukuumad maalin kahor la dhisteen.

Venstre, SV iyo Krf ayaa aqlabiyad u raadinayay in la doorto gudi khuburo madax banaan ah, kuwaas oo qiimeeya xaalada amni, sharciyada iyo dhaqan galinta dadka loo celinayo dalka Afgaanistaan. Laakiin waxaa arintaas ka codeeyay xisbiyada Ap, Sp, Høyre iyo Frp oo is biirsanaya. Wuxuuna qodobkaas waayay aqlabiyad uu ku meelmaro .

Sidoo kale isla xisbiyada SV, Venstre iyo KRF ayaa dhaqangal u raadinayay in la qiimeeyo in qofku uu mar kale dalkiisa qoxooti ku noqon karo, hadii lagu celiyo wadankii uu ka yimid(Gaar ahaan Afgaanistaan).

Arinta soo galootiga ayaa ah mid aragti ahaan ay aad ugu kala dheeryihiin xisbiga Venstre iyo labada xisbi ee uu shaley la midoobay. Gaar ahaan Frp.

Arintan ku aadan qaabka loo xalin doono caruurta reer Afgaanistaan oo la siiyay magangalyada inta ay 18 sano ka gaarayaa ayaa ah mid wali lagu wareersanyahay.

Wasiiradii hore ee soo galootiga Norway, ayaa shaley laga dhigay wasiirka cadaalada iyo soo galootiga, waxaana lagu abaalmariyay laba wasaaradood oo hal wasaarad laga dhigay. Venstre ayaa iyagana helay wasiiru dowlaha wasaarada cadaalada iyo soo galootiga, kaas oo loo fasarin karo inuu ilaaliye ka noqon doono Listhaug, si loo muujiyo in Venstre ay dowlada kamid yihiin.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments