Urdugan: Mareykanku wuxuu taageero siiyaa ururo argagaxiso ah

0
138

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay rabto in la dhiso ilaa 30 kun oo ciidamo kurdiyiin ah, kuwaas oo ilaalin doono amniga xuduuda u dhaxeyso Turkiga iyo Siiriya. Dowladaha qeybta ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish ee ka socday gudaha Siiriya, ayaa arintaas si weyn uga soo horjeestay, waxeyna tibaaxeen inay abuuri karto colaad cusub.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid lagu argagaxinayo amniga, wuxuuna wacad ku maray in uu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tabobarayo ciidammadaas kurdiga ah.

Dowladda Suuriya ayaa iyaduna qorshahan ku tilmaamtay weerar qaawan oo lagu soo qaaday dalkeeda, halka dowladda Ruushka ay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Turkiga ayaa u arka in ciidammada Kurdiga ay xiriir la leeyihiin jabhadda dalkaas ka dagaalanta ee PKK oo sheegata inay u dagaalanto Xornimo, balse gudaha Turkiga looga aqoonyahah urur argagaxiso.

Erdogan ayaa waxa uu sheegay in uu diyaariyay ciidammada dalkiisa, islamarkaasna ay weerar ku qaadi doonaan deegaanka Afrin oo Waqooyiga Suuriya ka tirsan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments