Sumaya Jirde oo la siiyay bilad sharafta( Zola-prisen).

1
154
Foto: Erlend Skaug Ingebrigtsen

Sumaya Jirde Cali oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa sanadkan loo magacaabay qofka ku guuleystay bilad sharafta qaaliga ah ee » Zola-prisen». Waxeyna noqoneysaa biladii labaad oo Sumaya ay hesho laba bilood gudahood, maadaama dhamaadka sanadkii hore loo doortay shaqsiga sanadka 2017 ee magaalada Bodø oo ay degantahay.

Bilada «Zola-prisen» ayaa ah mid lagu abaal mariyo shaqsiyaadka bulshada kamid ah ee la yimaado dhiiranaan iyo kudhac dhanka bulshada ah. Waxaana la bilaabay bixinteeda sanadkii 1998. Waxyaabaha Sumaya sanadkii lasoo dhaafay lagu xasuusan doono ayaa kamid ah doodii ka baxday NRK, ayna kaga hortimid wasiiradii hore ee soo galootiga iyo isdhexgalka(hada wasiirada cadaalada), Sylvi Listhaug.

Sumaya ayaa noqoneyso qofkii soomaali ah ee ugu horeeyay abid ee ku guuleysta biladan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Abdiwali
Abdiwali
6 years ago

Qofkii ugu horeeyey ee somali ah ee kuguulaysta ma ahan gabadhan waa looga horeeyey Amal aden ayaa uga horeysay oo 2010 kuguulaysatay.