Stocklom: Wiil soomaali ah oo xalay lagu toogtay xaafada Rinkeby

0
103
Foto: Fredrik Sandberg/TT

Wiil soomaali dhalinyaro ah ayaa xalay fiidkii lagu toogtay xaafada Rinkeby ee magaalada Stocklom, sida ay xaqiijiyeen laamaha booliska magaaladaas.  Falkan dilka ah ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo cunto laga cuno, halkaas oo marxuumka geeriyooday uu cunto ka cunayay, xiliga xabadaha lala beegsaday.

Tove Hägg oo katirsan laamaha amaanka magaalada Stocklom ayaa warbaahinta u sheegay ineysan wali ku guuleysan inay cid usoo qabtaan falkan, wuxuuna cadeeyay inay wadaan baaris xoog leh oo falkan ku saabsan. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay wareysi la yeesheen ilaa dhowr qof oo goob joog ka aha dhacdadan.

Xaafada Rinkebyg oo ay soomaalidu aad ugu badantahay, mararka qaarna loogu yeero Muqdisho yareey ayaa amaankeeda aad looga soo deyrinay sanadihii ugu danbeeyay. Falalka is ugaarsiga iyo toogashada kooxaha dhalinyarada ayaa noqday mid kusoo noq-noqdo xaafadaas iyo guud ahaan dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Radio-sverige-somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments