Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu casuumay shirka World Economic Forum

0
100
Foto: Somali PM Twitter

Reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhamaadka bishan January ka qeybgali doono shirka sanadlaha ah ee madasha World Economic Forum, kaas oo ka furmi doono magaalada Davos ee dalka Switzerland. Xasan Kheyre ayaa noqon doono reysulwasaarihii ugu horeeyay Soomaaliya ka socdo, kaas oo ka qeybgali doono madasha WEF.

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa sanadkan kamid ah dadka hogaamin doono shirka madashan WEF, iyadoo wasiirkii hore ee arimaha dibada Norway, Børge Brende uu kamid yahay agaasimahaa madasha dhaqaalaha aduunka ee WEF.

Sanad walba kumanaan qof oo saameyn ku leh dunida ayaa isugu imaado shirka madasha oo ka dhaca magaalada Davos. Waxeyna dadka shirkan kasoo qeybgalo  isugu jiraan hogaamiyeyaal, dhaqaaloyahanno, hantiilayaal, ganacsato, siyaasad dejiyeyaal iyo dad caan ah oo saameyn ku leh bulshoweynta caalamka.

Shirkan ayaa furmi doono 23-ka bishan January oo ku aadan todobaad kadib, waxaana uu socon doonaa muddo sadex maalin ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments