Sanadkii lasoo dhaafay 2294 ayaa Norway magangalyo soo weydiistay: Tiradii ugu yareyd tan iyo sanadkii 1995!

0
102
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Sanadkii tagay ee 2017 waxaa dalkan Norway magangalyo soo weydiistay guud ahaan 3546 qof, balse 1252 qof oo dadkaas kamid Norway ayaa kasoo qaadatay dalalka Italy iyo Giriiga. Waxeyna taas ka dhigantahay inay Norway cagahooda ku imaadeen, magangalyadana weydiisteen 2292 qof, tiradaas oo ah tii ugu yareyd tan sanadkii 1995.

Madaxa hey’adda UDI-da ayaa sheegay in sanadkan cusub ee 2018 ay UDI-du fileyso in ilaa 3000 qof ay Norway magangalyo soo weydiisan doonaan, balse aysan tiradaas aheyn mid la isku haleyn karo, maadaama ay isbadali karto xaalada qaarada Yurub ee qoxootiga.

UDI-da ayaa albaabada isugu laabtay boqolaal xero oo qoxootiga, waxeyna uu mardhow heshiiska shaqada ka dhamaan rabaa tobanaan kale oo xeryaha qoxootiga lagu soo dhaweeyo ah.

Agaasimaha UDI-da, Frode Forfang ayaa qiray in hadalada adag ee fariinta ah ee siyaayiintu ay soo galootiga u marinayeen warbaahintu ay shaqeeyaan, maadaama ay hoos u dhacday tirada dadka magangalyada soo weydiisto Norway. Iyada oo dalalka kale ee Yurub ay tiradu wali mareyso meel sare.

Sweden waxaa sanadkii tagay magangalyo ka helay dad kor u dhaafayo 55.000, halka Germany ay tiradu gaareyso ilaaa 200.00 qof sanadkii tagay.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments