Reysulwasaaraha Sweden: Waxbo kama qaba in xaafadaha soo galootiga la geeyo ciidan milatari ah

0
84
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Ra´iisal wasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven ayaa sheegay inuusan waxba ka qabin in ciidan militari ah la adeegsado si loo soo afjaro rabshadaha ka taagan xaafada ay soo galootigu ku badanyihiin magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden. Waxeyna tani noqoneysaa markii ugu horeysay ee Stefan uu muujiyo fikirkiisa ku aadan arintan.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa hadalkan ka jeediyay baarlamaanka dalkaas, iyada oo markaas laga hadlayay xal u raadinta xaafadaha isku raranta ah oo ay soo galootigu ku badanyihiin.

Xaafadaha ay rabshadaha ugu badan ka dhacaan dalka Sweden ayaa waxaa kamid ah xaafada Rinkeby oo ay aad ugu badanyihiin soomaalida. Isbuuc kahor ayaa xaafadaas lagu dilay wiil soomaali ah, wuxuuna ahaa kii lixaad ee xaafadaas lagu dilo sanooyinkii ugu danbeeyay.

Raadiyaha Iswiidhan l´aanteeda afka-soomaaliga ah ayaa dadka xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm ku nool weeydiisay in militari loo baahan yahay iyo in kale.

Caasha Maxamuud Ismaaciil ayaa xaafadan ku nooleeyd muddo 15 sanno gaadhaysa, ayaa Raadiyaha Sweden u sheegtay in ay soo dhaweeynayso wixii kasta ee ammaanka kordhin kara.

Siyaasiyiinta dalka Sweden ayaa fikirkan ku kala qeysan, qaarkood waxa ay soo dhaweeyeen hadalka reysulwasaaraha, halka kuwa kalena ay sheegeen in ciidanka milatariga aan loo adeegsan karin dad shacab ah.

Xigasho/kilde: Radiosverige.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments