torsdag, april 25, 2024

Qodobadan ayaa kamid ah heshiis-siyaasadeedka ay gaareen sadexda xisbi ee dowlada ku heshiiyay: Iska fiiri, waa muhiim.

Xisbiga Venstre ayaa ugu danbeyn shaley sheegay inay ku biiri doonaan xukuumada Erna Solberg ay hogaamiso oo ka koobnaan jirtay labada xisbi ee Frp Iyo Høyre, waxaana hada kusoo biiri doono xisbiga Venstre. Xisbiyadan ayaa shaley soo bandhigay heshiis siyaasadeed ka kooban 86 bog, kaas oo ay kusoo faah-faahiyeen qaabka ay noqon doonto xukuumada ay isla hogaamin doonaan.

Waxaa mar kale muuqato in xisbiga Venstre uu ku qasbanaaday inuu liqo shuruudaha waaweyn ee Frp, si ay dowlada uga mid noqdaan, iyada FRP dhankiisa uu ku qasbanaaday inuu dhuunta mariyo qodobada qaar ay sheegi jireen inay kasoo horjeedaan. Xisbiyadan ayaa sheegay inay adeegsadeen siyaasad ku dhisan GIVE AND TAKE(SII OO QAADO), si ay xukuumad wadaag ah u dhistaan.

Inkasta oo qodobada ay ku heshiisheen ay badanyihiin, hadana waxaan halkan kusoo bandhigeynaa kuwa aan isleenahay inay saameyn ku yeelan karaan soo galootiga, gaar ahaan umadeena soomaaliyeed ee halkan kunool. (heshiiska oo dhameystiran hoos ka akhri).

  1. Dadka wadanka degenaa shan sano, isla markaana dowlada ka qaato lacago kaalma ah, aana shaqeynin, luuqadooda aysan gaarsiisneyn heerkii laga rabay, waxey heli doonaan howlmaalmeed qasab ah(aktivitetsplikt), si ay si ay luuqada u bartaan. (Waxaa meelmarsaday FRP)

  2. Sadexda xisbi ee shaley heshiiska gaaray ayaa isku raacay in la adkeeyo siyaasada midoobida qoysaska, waxeyna ku heshiiyeen in qofka wax u dacwoonayo uu dhaqaale kafaalo qaadi karo, qofka ama dadka uu u dacwoonaya. Ama qofka loo dacwoonayo uu dhaqaale ahaan damaaqad qaadi karo, qofka isaga u dacwoonayo(Norway). Kuma xusna heshiiskan inay kor u qaadi doonaan lacagta laga rabo qofka wax u dacwoonaya, sida ay horey FRP usoo jeediyeen.

  3. Indho shareer(Niqaabka): Waxaa heshiiska ay gaareen ku xusan In shaqo bixiyhu(arbeidsgiver) uu qofka uu shaqada siinayo uu u diidi karo inuu xirto indho shareer xiliga shaqada. Sidoo kale waxaa mamnuuc noqon doonto in qofka uu indho shareer ku xirto shaqooyinka la xiriira fulinta awooda dowladeed, sida booliska, maxkamadaha iyo xabsiyada.

  4. Canshuurta baabuurta: Sadexda xisbi waxey ku heshiiyeen in kor loo qaado canshuurta sanadlaha ah ee laga qaado baabuurta.

  5. Hubka booliska: In xaaladaha qaarkood ee halista ah ay boolisku qaadan karaan hubkooda, kadib qiimeyn ku saabsan xaalada markaas jirto.

  6. In la tacaamulka dadka daroogada adeegsado laga soo wareejiyo wasaarada cadaalada, loona wareejiyo wasaarada caafimaadka. Ka dhigan in qofka daroogada adeegsado loola dhaqmo sidii qof xanuunsan, oo aan danbiile laga dhigin.

  7. Baasaboorka dhalashada: Sadexda xisbi waxey isku raaceen in la kordhiyo mudada uu qofka sugayo sharciga dhalashada Norway, waxeyna sida caadiga ah ka dhigi doonaan 8 sano, halkii ay markii hore ka aheyd 7 sano. Waxey sameeyeen xaaladaha qaar oo qofka uu dhalashada ku heli karo 6 sano, waase hadii uu yahay qof dhaqaale ahaan isku filnaa mudadaas.

  8. Waxaa heshiiskooda ku xusan in dowladu ay sii wado adeegsiga in magangalyada kumeel gaarka ah qofka laga ceshan karo, hadii ay timaado xaalada meesha ka saari karto baahidiisa magangalyo ee asalka ah. Qodobkan ayaa kasoo haray qodobo tiro badnaa oo ay xisbiyadu gaareen dhamaadkii sanadkii 2015-ka, waana qodobka ay wasaarada cadaaladu u adeegsaneyso dib u qiimeynta magangalyada ilaa 1400 soomaali ah.

  9. In dowladu xooga saari doonto inay heshiis dib u celin ay la gasho wadamada ay Norway ka joogaan dadka magangalyada loo diiday, ayna taas dhexgaliso siyaasada deeqaha dhaqaale oo ay bixiso.

  10. Waxaa heshiiskooda ku xusan in caruurta ka yar 18-sano ee helay magangalyada kumeel gaarka ah(October barna), ay badankood heli doonaan magangalyo rasmi ah.

  11. Waxaa heshiiskooda ku xusan in dowlada Norway ay soo qaadan doonto qoxooti dheeri ah, hadii ay sii socoto tirada yar ee soo galootiga ah ee wadanka hada soo gasho.

  12. In la kaalmeeyo qoysaska danyarta ah ee heysta caruurta ay da doodu ka yartahay 5 sano, lana siiyo waqti dheeri ah oo ay ku joogi karaan goobaha xanaanada, iyada oo aan wax lacag laga qaadi doonin.  Dhamaan caruurta ku jirto kaamamka qoxootiga, waxaa xarumaha xanaanada laga siin doonaa boos bilaash ah.

  13. Waxey heshiiskooda kusoo darsadeen qodob ay ugu magacdareen «inkluderingsdugnad», kaas oo ka dhigan in dowladu ay xooga saari doonto si dad badan loo dhexgalin lahaa mujtamaca.

Halkan ka akhri heshiiska siyaasadeed ay gaareen oo dhameystiran.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x