Oslo: Maxkamada Oslo oo nin soomaali ah 19 sano oo xabsi ah ugu xukuntay dil dhacay 10 sano kahor

0
220
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa maanta nin soomaali ah oo 33 sano jir ah ku xukuntay 19 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay fal danbiyeed ah dil iyo isku day dil, kaas oo dhacay sanadkii 2008.

Nin kale oo soomaali ah oo isna ku eedeysnaa inuu qeyb ka ahaa falka dilka ah ee dhacay ayay maxkamadu ku weyday wax danbi ah, sida uu qareenkiisa u sheegay tv-ga qaranka Norway ee NRK.

 Falka dilka ah oo bishii Maarso ee sanadkii 2008 ka dhacay xaafada Torshov ee magaalada Oslo, ayaa waxaa ku geeriyooday nin soomaali ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

33-jirka soomaaliga ah ee lagu eedeeyay falka dilka ah ayaa Norway ka baxsaday, waxaana sanadkii 2016 laga soo qabtay dalka Germany. Ugu danbeyn maxkamada Oslo ayaa ninkan falkaas ugu xukuntay 19 sano oo xabsi ah.

Ninka kale ee isna soomaaliga ah ee lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa falka dilka ah ayaa isku soo dhiibay booliska, waxa uuna xirnaa afar bilood kadib inta aan xabsiga laga sii deyn. Maxkamada Oslo ayaa isna maanta ku weyday wax danbi ah.

Xigasho/kilde: NRK: Halkan kasii akhri

Dagbladet.no

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments