Norway oo bilowday inay si toos ah Trandum u geyso dadka faraha ku leh wadankeeda ee loo soo celiyo.

0
97
Foto: Politiet

Marka uu qofka diidmo ka helo codsiyada magangalyada ee dalkan Norway, laguna amro inuu wadanka isaga baxo, waxey dad badan doortaan inay magangalyo weydiistaan dalalka kale ee Yurub, sida Germany iyo France.

Hadii qofka ay kusoo baxaan farihii uu ku lahaa Norway, loona diidmo magangalyada wadanka cusub ee uu tagay, waxaa mararka qaar dhacda in qofka loo soo celiyo Norway, iyada la tixraaciyo heshiiska Dublinka.

Dowlada Norway ayaa maalmahan bilowday inay dadka loo soo celiyo ee garoonka diyaaradaha laga soo dajiyo, si toos ah loo geeyo xerada Trandum oo ah xero xabsi ahaan u dhisan, taas oo lagu xareeyo dadka ay dowlada Norway rabto in wadankoodii loo tarxiilo.

Cabdiwahaab Mohamed Said oo katirsan hey’adda NOAS ayaa NorSom News u sheegay in ujeedada arintaas ay tahay in Norway ay aaminsantahay in qofku uu mar labaad baxsan karo, hadii wadanka lagu sii daayo. Hoos ka daawo warbixin aan xili hore ka diyaarinay arintaas.

Waxaa xiligan halkaas ku xiran dhowr dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo intooda badan laga soo celiyay wadamada kale ee Yurub, sida ay noo xaqiijiyeen qoysaskooda. Waxaa sidoo kale isbuucii lasoo dhaafay la tarxiilay wiil dhalinyaro soomaali ah, kaas oo magangalyo ka codsaday dalka France.

Dhalinyarada Trandum ku xiran ee soomaalida ah ayaa qaarkood xaasas ku leh Norway, halka qaarkoodna ay caruurtoodu Oslo joogto.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments