NorSom Magazin: Jens Mjaugedal: Imaaraatku waxey rabaan inay wiiqaan awooda dowlada dhexe, iyaga oo maamul goboleeyada adeegsanayo

0
173
Jens Mjuagedal: Ergeyga gaarka ah ee dowlada Norway ee Soomaaliya. Foto: NorSom News

NorSom Magazin oo ah qeyb cusub oo aan dhawaan kusoo kordhinay warbaahinta NorSom News ayaa wareysi la yeelatay Jens Mjaugedal oo ah ergeyga dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya. Waxaana Jens si qoto dheer oo faah-faahsan nooga waramay xaalada Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Halkan ka daalaco wareysiga NorSom Magazine ee Jens Mjaugedal (riix)- hoos ka daawo sida aad u iibsan karto

Hadii aad fahmi weydo, ama aad rabto inaad lacagta VIPPS ku bixiso NorSom News kala soo xiriir: 48680689

 

Waxyaabaha uu wareysigan Jens Noogu sheegay ayaa waxaa kamid ah:

Aragtidiisa ku aadan doorashadii dhawaan ka dhacday Somaliland, iyo sida ay wax uga badali karto qadiyada gooni isu taaga Somaliland.. Shirkadaha Norwiijiga ah ee shidaalka ka baaraya Somaliland iyo sida ay arintaas saameyn ugu yeelan karto gobolka geeska Afrika. 

-Nidaamka Federaalka oo beesha caalamku ay qeyb ka ahaayeen hirgalintiisa Soomaaliya, khilaafkiisa iyo sida ay dowladaha shisheeye uga faa’iideystaan. 

-Saameynta ba’an ee dowladaha dariska la ah Soomaaliya iyo sida ay wax u yeeli karto mustaqbalka Soomaaliya ee fog. 

-Xiligii maxaakiimta oo uu Muqdisho tagay iyo sida ay maxaakiimtu ugu guuleystaan sugitaanka amniga Koonfurta Soomaaliya: «Xiligii ugu amni badnaa ee aan Muqdisho tago waxey aheyd 2006, xiligaas oo magaalada ay maxkamadihii islaamiga ahaa ay magaalada gacanta ku hayeen»: 

-Aragtidiisa ku aadan dowlada Soomaaliya ee xiligan, iyo reysulwasaare Hassan Ali Kheyre oo uu aad u yaqaano: Waxaan shaqaaleysiiyay Xasan Cali Kheyre, waxaana arkaa inuu yahay nin fahansan waaqaca dhabta ah ee Soomaaliya ay ku sugantahay iyo sida looga bixi lahaa. 

Sababta ay safaarada Norway ee Soomaaliya aysan wax uga darsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway….

Wareysigan oo dhameystiran waxaad ka daalacan kartaa NorSom Magazin(linkigan riix)

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments