Malaysia: Mahathir oo markale u tartamaya xilka Raysalwasaaraha dalka Maleysia.

0
171

Xisbiyada Isbaheysiga Mucaaridka dalka Malaysia ayaa Axadii daraad aheyd u doortay Mahathir Mohamed inuu markale u tartamo xilka Raysalwasaaraha ee doorashada soo socoto. Mahathir Mohamed oo hada ah 92 sano jir ayaa 15 sano kahor sheegay inuu siyaasada isaga baxay, waxayna murashaxnimadiisa khatar ku tahay Raysalwasaaraha xilka haya Najib Razak

Mahathir ayaa ahaa Raysalwasaarihii ugu wakhtiga dheeraa taariikhda dalkaasi isaga oo wadankaasi kasoo talinayey 1981 illaa 2003, waxaana uu ahaa hogaamiyihii Maleysia gaarsiiyay inay noqoto mid kamid ah awoodaha dhaqaale ee qaarada Aasiya.

Isbaheysiga cusub ee Mucaaridka ayaa waxaa kamid ah xisbiga uu hogaamin jiray siyaasiga xabsiga ku jira ee Anwar Ibrahim oo uu loolan ka dhaxeeyey Mahathir Mohamed, kuwaasi oo hada sheegay inay ku heshiiyeen inay sameystaan isbaheysiga ay kula tartamaan xisbi Xaakimka uu hogaamiyo Najib Razak oo xiligan ay heysato fadeexad dhanka musuq maasuqa ah.

Xigasho: Dagens næringsliv, Horseedmedia.net

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments