Magaalooyin ka dacwoonayo in tirada qoxootiga ay dib dejinta u sameynayaan lagu yareeyay!

0
88

Labo sano kahor magaalooyinka ama degmooyinka Norway waxey mararka qaar diidi jireen inay qaabilaan qoxootiga dib u dajinta loo sameynayo, waxeyna dowladu ku qasbaneyd inay cadaadis adeegsato, si deegaamada ay u qaataan qoxooti dheeri ah.

Hada xaaladu waa dhanka kale, magaalooyin badan ayaa ka dacwoonaya in lagu yareeyay tirada dadka qoxootiga ah oo ay dib dajinta u sameynayaan.

Dowlada ayaa sanadkan magaalooyinka Norway ka codsatay inay  dib u dajin u sameeyaan ilaa 4400 qof, halka sanadkii hore ay tiradu aheyd 10.000.

Magaalada Bergen ayaa sanadkan laga codsaday inay dib dajin u sameyso ilaa 200 qof, iyada oo golaha deegaanka magaaladaas ay aaminsanyihiin in lagu yareeyay tirada qoxootiga ay qaadanayaan, waxeyna dowlada ka codsanayaan in ugu yaraan tiradaas ay ku yartahay, ugu yaraan ay awoodaan labo jibaarka tirada qoxootiga hada loo qoondeeyay.

IMDI oo ah hey’adda dowlada u qaabilsan agaasinka dib dajinta soo galootiga ayaa dhankeeda aaminsan inay tirada qoxootiga ay qaadanayaan magaalooyinku ay ku xirantahay tirada guud ee qoxooti ah oo dowlada Norway ay sanadkaas qaabisho. Mar walba aysan tiradu isku mid noqon karin.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments